Sawiro: Madaxweyne Gaas oo lagu soo dhoweeyey Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari

06 Jan 2016 (Puntlandes) Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayey ayaa saaka subaxnimadii hore 06-Jan-16  kasoo amba baxay magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaan halkaas oo ay habeenkii xalay ku hoydeen.

Waftiga Madaxweynaha ayaa waxaa kamid ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntlad Eng.Cabdixakiiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Axmed Cali Xaashi, Wasiiro, Xildhibaano, saraakiil ciidan iyo Masuuliyiin kale.

Waftiga Madaxweynaha ayaa intii ay jidka kusoo jireen waxa ay kusoo hakadeen Degmada Waaciye ee Gobolka Karkaar halkaas oo uu kula kulmay Cuqaasha iyo nin-doorka Degmada Waaciye, waxaana uu ka xogwaraystay xaaladda deegaanka isagoona ku adkeeyey in ay u istaagaan sidii looga wada shaqayn lahaa xaaladda nabad gelyada iyo joojinta xaalufka deegaanka.

Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo waftigiisa ayaa sidoo kale waxay kusoo hakadeen Degmada Carmo ee Gobolka Bari halkaas oo uu Madaxweynuhu Xadhigga kaga jaray Cusbital weyn oo dhowaan laga hirgeliyey halkaas, waxaana uu madaxweynuhu ku ammaanay Dr.Saalax oo ah Aas-aasihii cusbitalka sida muwaadinnimadu kujirto ee uu ugu damqaday dadkiisa isla markaasna ugu hirgeliyey cusbitalka halbowlaha u ah deegaanka.

Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo waftigiisa ayaa sidoo kale waxaa siweyn loogu soo dhoweeyey Deegaanka Ceel-daahir ee Gobolka Bari halkaas uu madaxweynuhu dadkii soo dhoweynayey mid-mid u gacan-qaaday.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali iyo Waftigii ayaa intaasi kadib waxay usoo gudbeen Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari halkaas oo ay kala kulmeen soo dhoweyn diirran taas oo aanay u kala hadhin dadweynaha kudhaqan magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Madaxweynaha ayaa markuu soo gaadhey magaalada Boosaso waxa uu dhagax dhigay buundo weyn taas oo hore u go’day, isla markaasna lagu dhisay Barnaamijka” Puntland Haysku tashato“ oo uu madaxweynaha Dawladda Puntland hore u iclaamiyey, iyadoo dhaqaalaha ay ku kacayso buundadaasina lagu qiyaasay kudhowaad $40,000(Afartan kun oo doolar) waxaana iska kaashanaya Dawladda Puntland iyo Shacabkeeda.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu dhagax dhigay barnaamijka Ileyska cad-ceeda ku shaqeeya ee loo yaqaan SOLAR SYSTEM, kaas oo ay iska kaashanayaa Dawladda Hoose ee Boosaaso iyo Hay’adda “SSF Somali Stability Fund” waxaana uu ku tilmaamay mid waxweyn ka-beddelidoona dhaq-dhaqaaqa ganacsi ee Boosaaso, isu socodka dadweyna xilliga habeenkii iyo adkaynta nabadgelyada Boosaaso.

Ugu dambayn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo waftigiisa  ayaa loosoo gelbiyey Qasriga Madaxtooyada Dawladda Puntland ee Magaalada Boosaaso halkaas oo ay warbaahinta kula hadleen Madaxweynaha, Madaxweyne ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha baarlamaan, iyagoona ay ugu mahad celiyeen dhammaan dadweynaha reer Puntland sida dawlad Jecaylka ah ee ay usoo dhoweeyeen.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sidoo kale xusay in ay u yimaadeen Magaalada Boosaaso sidii ay si’ dhow ula socon lahaayeen mashaariicda horumarineed ee dawladdu kawado magaalada Boosaaso , isla markaasina xadhigga looga jarilahaa Garoonka Caalamiga ah ee diyaaradaha ee Boosaaso, iyadoo qalabkii lagu ballaadhin lahaa dekedda boosaasona uu jidka kusoo jiro dhowaana lasugayo in hawshaasi labilaabo.
IMG_2956IMG_2960IMG_2964IMG_2973IMG_2975IMG_2983IMG_2986IMG_2991IMG_3000IMG_3010IMG_3019IMG_3023IMG_3025IMG_3032IMG_3050IMG_3100IMG_3105IMG_3116IMG_3127IMG_3135IMG_3140IMG_3155IMG_3161IMG_3162IMG_3171IMG_3178IMG_3188IMG_3197IMG_3201IMG_3207IMG_3211IMG_3222IMG_3226IMG_3233IMG_3238IMG_3242IMG_3243IMG_3247IMG_3251IMG_3261IMG_3269IMG_3280IMG_3308IMG_3323IMG_3327IMG_3333IMG_3370IMG_3376IMG_3392IMG_3396IMG_3423IMG_3425IMG_3432IMG_3442IMG_3459IMG_3471IMG_3483IMG_3490IMG_3499IMG_3515IMG_3529IMG_3530IMG_3591IMG_3595IMG_3596IMG_3607IMG_3611IMG_3623IMG_3667IMG_3684IMG_3711IMG_3726IMG_3734IMG_3740IMG_3789IMG_3799IMG_3803IMG_3806IMG_3820IMG_3827IMG_3872IMG_3939

About The Author