Madaxda Puntland oo shirar la leh Nicholas Kay oo Garoowe soo gaaray

0

482

Garoowe (Pes): Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa goor dhowayd kasoo dagay garoonka diyaaraddaha ee magaalada Garooweee Caasimada Puntland.

Mas’uuliyiin katirsan dowladda Puntland ayaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay. waxaana loo gudbiyay xarunta madaxtooyada oo ay kulan gaar ah ku wada leeyihiin madaxda Puntland.

Danjire Kay ayaa horey u shaaciyay inuu uu la kulmidoono madaxweynaha dowladda Puntland Dr Gaas isagoo kala hadlidoono qilaafka ka taagan maamul usameynta gobolada Mudug iyo Galgaduud oo ay Puntland diidan tahay..

Wararka ay Puntlandes ka helayso ayaa sheegaya Kay inuu kala hadli doono madaxda Puntland dhismaha mamul u samaynta Mudug iyo Galgaduud.inkastoo uu Kay horay u sheegay inuu saamayn ku yeelan doonin Puntland mamulkasi la dhisayo.Iyo waliba in uu Gaas soo celiyo xiriirkii kala dhexeeyey Xasan Culusoow

Wakiil Nichalos ayaa galabta kulan la qaadanaya xubnaha Barlamanka Puntland isagaoo kala hadlidoona xaalagaha taagan

Waxaa sidoo kale maanta ka dhicidoonta xafiiska UNSOM uu ku leeyahay Garoowe.Magaalada Garowe xaflad lagu maamuusayo markii ugu horeysay oo xafiiska qaramada Midoobay leedahay laga furay Soomaaliya. Kay iyo kooxdiisa ay kusoo bandhigidoona waxyaabihii u qabsoomay mudadii uu xafiiska joogay.waxana lagu caasumay Madaxda PuntlandUruradda Bulshadda,Ururadda saxafadda iyo siyaasiyiin horey xilal Puntland uga soo qabtay.

Wixii ka soo baxa shirarkaas kala soco Puntlandes.com

Ku Dhagayso MP3

 

Xafiiska wararka

Puntlandes

 

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *