Xilkii oo uu si rasmi ah u wareejiyey Maamulihii hore Ee Mashruuca Hormarinta Bursaalax

0

160Bursaalax (Pes): Maamulihii hore Ee Mashruuca  Horumarinta Magaalada Bursaalax Burhaan Maxamed Cali Xaashioo xilka hayey muddo 2 sano ah ayaa wuxuu si rasmi ah ugu wareejiyey xilkii  Maamulaha cusub ee hada xilka loo soo magacaabay Cabdirashiid Faarax Geelle Xaaji Warsme. Wuxuuna xilka haydoonaa Maamulaha cusub mudo labo sano ah haddi Allah idmo.

Xilwareejintaas ayaa dhacday markay taariikhdu ahayd 10-Aug-2014, kana dhacday Magaalada Bursaalax. Maamulihii hore iyo team-kiisii ayaa waxay soo qabteen howl aad iyo aad u baaxad wayn iyagoo meel aad u fiican gaarsiiyey Mashruuca Horumarinta Bursaalax.  Waxgaradkii munaasabada ka hadlay iyo Maamulka cusubiba waxay u mahadceliyeen Maamulihii hore Bursaalax Burhaan Maxamed Cali Xaashi iyagoo ku amaanay shaqada uu soo qabtay. Waxaynu u rajeeyeen in uu Allah u fududeeyo Maamula Cusub xilka culus ee loo dhiibay. Waxayna balanqaadeen in ay si wacan ula shaqayn doonaan Maamulaha cusub Cabdirashiid Faarax Geelle Xaaji Warsme.

Mashruura Horumarinta Bursaalax

Mashruuca hormarinta bulshada Busalax waxa la’aas aasay 1999,waxaana la daah furay 2001 ilaaa iyo hadda oo taariikhdu tahay 2014-ka. Mashruuca waxa aas,aasay Bulshada reer Puntland gaar ahaan gabolka mudug kuwaasoo dalka iyo dibadaba kala jooga. Warbixin faahfaahsan halkan ka akhri.

Bordka

Mashruuca wuxuu leeyahay Gudi ama Bord. Kuwaas oo soo  magacaabaya Maamulaha ama Agaasimaha Mashruuca. Iyagaana soo magacaabay Maamulaha Cusub ee Cabdirashiid Faarax Geelle Xaaji Warsme

Xubnaha Gudiga BOD

1-Salaad Daahir Adan
2-Xirsi Caynab Caluug
3-Burhaan Ali Xaashi
4-Maxamed C.qaadir Nuur
5-Xuseen Cabdi Xaraf
6-Abdifitah M.Sugulle
7-Bishaar Caabi
8-Cabdaas cali kacaan
9-Shiikhuna sh.khaliif Wayrax

Waxaa sidoo kale Dusha ka ilaalinya Bord-ka Odayaasha beesha Bursaalax
iyo jaaliyadaha Dibada.Wuxuuna Bord-ku siinyaa warbixino joogto ah.

Maamulaha Mashruuca: Cabdirashiid Faarax Geelle XaajiWarsame

Teleefan: 00252907793108

Email:bursaalaxcollege@gmail.com

Bursaalax, Mudug, Puntkand

Bursaalax

Puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *