Daawo Video: Cabdi Qaybdiid “ Gobolka Mudug 80% Anagaa ka Talina”

0

30 kii july 2014 ayey ahayd markii Villa Xamar laga shaaciyey wax heshiis loogu yeeray looguna dhisayo dowlad Gobolada Mudug iyo galgaduud.  Madaxwaynaha maamul Xaafadeedka Baraxleey Cabdi xasan Cawaale (Qaybdiid) ayaa wuxuu waraysi dheer uga hadlay damaaciga habowga ah ee Villa Xamar ku damacsan tahay in ay ku boobto Gobolka Mudug. Wuxuuna sheegtay Qaybdiid in uu maamulo ama ay beeshiisu leedahay 80% Gobolka Mudug!!!!

“Dastuurka Reer Puntland Gobolka Mudug Ba Ugu Jira, 80% Anagaa Ka Talinaynay , Waligayo Ma aanan Oran Maxaad Noo Sheeganaysaan”Ayuu yiri Qaybdiid, oo ku doodaya in uuba isagu leeyahay Gobolka Mudug. Wuxuu kaloo intaa ku daray in aysan gaalkacyo iyo Gobolka Mudug qaysanaan karin ooy tahay in uu isagu maamulo!!!

Qaybdiid oo ka qybqaatay Barnaamijka Kulanka Todobaadka e eka baxa SNTV.

Qaybdiid oo ugu danbayntii daaha ka rogay in wax uu ugu yeeray ”Beesha Degmada Goldogob ay waa hore ku biirtay maamulkiisa, beelaha kalena uu rabo in uu mid mid usoo dhaweeyo. Wuxuuna intaa ku sii daray in beelaha dega Waqooyiga Mudug ay xaq u leeyihiin in ay ku soo biiraan Baraxleeey”

 Muxuu kaga jawaabin Mr Nicholas Kay oo shalay, 17-08-2014, la yimid Garowe Caasimada Puntland in ay cidla ka diday dowlada Puntland ayna tahay in ay xiriirkii ay Culusoow la hayd soo celiso, maadaama aysan qusan dhulka Puntland.

Waraysigu waa dheer yahay  waxaadna ka dheehan kartaa damaca boobka ku dhisan ee Villa Xamar laga soo abaabulay.

 

Halkan ka daawo ka bilow daqiiqada 20:30

 

 

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *