Dhagayso: Abwaanad Muna Axmed Cabdala Diyaana:’’Puntland ha isku tashato”.

0

Abwaanad Muna Axmed Cabdala ‘’Diyaana’’ oo ka mid ah Qurbajoogta Puntland kuna sugan Garowe ayaa tiri waxaa la gaaray waqtigii ay Puntland isku tashan lahayd, kana tashan lahayd Xamar haddii bay tiri aan la helin dad ka run sheegaya Soomaalinimada.

‘’Waa lays wada ogyahay,ama Koonfur ha noqoto,ama nimankaan Soomaaliland ha noqoto ama nimankaan marna Weeraraya Marka Caday ama Baraawe jafaya umada Masaakiinta ah laynaya arrimahaas oo dhan  heshiis ma aha,waxan didin sheegaya Dhulka Caabudwaaq,Mudug iyo Galgaduud kuli Puntland baa leh’’ayay tiri.

 

Muna Axmed Cabdala ayaa sheegtay in dadkii u Halgamay Calanka umada Soomalaiyeed,lagala cararayo Soomaalinimada,waxayna iswaydiisay mar haddii sidan ay wax u socdaan,sidee loo wadaagayaa Magaca ‘’Soomaaliya’’

‘’Soomaalinimada waan ogolnahay,dad Soomaali ah oo Soomaalinimada ogol waa la ogol yahay,haddiise la waayo Puntlandeey isku tasho ayaan leeyahay’’Ayay tiri.

 

Halkan Ka Dhagayso Abwaanad Muna Diyaana

Ku Dhagayso MP3

Xafiiska wararka
Puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *