Dhagayso-Sawiro: Madaxwayne Gaas ”Goodigii Cabdiqaybdiid waa gardaro garab og”

0

Garowe (Pes): Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo ka qayb galay Kulan lagu taageerayay Go,aamadii ka soo baxay Shirkii wadatashiga Dowladda Puntland iyo Xildhibanada Puntland ugu jira Fadarlka oo ka dhacay Garowe.

Kullanka ayaa waxaa iyana ka soo qayb galay Madaxwayne ku xigeenka Dowladda Puntland Cabdixakiin Cabdulahi Camay,Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland Siciid Xasan Shire,Wasiiro,Isimo,waxgarad,,Culimo udiin , siyaasiyiin,Ururo ka socday Bulshada Rayidka ah iyo Masuuliyin kale.

‘’Mar walba waxaan niraahnaa Puntland waa Hooyada Fadaralka Soomaliya, waa Hooyada Dowladnimada Soomaliya ee hada jirta hadal layska leeyahay maahan ee waa dhab Puntland baa horsed u ahayd,fikirkeeday ahayd,dadaalkeeday ahayd in Soomali isu timaado’’Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

‘”runtii waxaanu ka shaqaynay in xiriirki u dhaxeeyay Puntland iyo fadaralka aanu wanaajino iyadoo dowladii naga horaysay ay xiriirka ujartay Dowladda Fadaralka ayaan anagu waxaan isku daynay in xiriirkaasi wanagsanado. ’Sababtoo ah waxaan is lahayn wax badan baa Puntland uga dhumi kara Dowladda fadaralka ahna uga dhumi kara in xiriirkaasi uusan wanagsanan oo xunyahay dhankayaga runtii wixii dadaal ah ee aanu samayn karno waanu samaynay inaanu soomalinimo ka shaqayno oo laysku yimaado lana wada shaqeeyo laakin puntland wax badan ayay tirsanaysaa ‘”

‘’Markii la saxiixay maamulka Gobolada dhexe raga qaarkii waa ay hadleen waana goodiyeen Cabdi-qaybdiid wuxuu yiri Fad ama Ha fadin waa lagu fadsiin marka Cabdi qaybdiid hadalka kaa leeyahay waxaan isleeyahay warkaasi waxa uu ahaa Gardaro garab og’’Ayuu yiri Madaxwayne Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

‘’Puntland iyadu cidna kuma xadgudbayso laakin waa ay xisaabtamaysa wax lawada leeyahayna cidna si gaar ah uma takrifalikarto,Dowlad baa lawada dhistay hashiis bulshaa lawada galay marka wixii la lahaa in cid gaar ah say doonto ugu takrifasho,siyaasad ahaan ,dhaqaale ahaan ,military ahaan ayay Puntland diidan tahay’’Ayuu yiri Madaxwayne Gaas.

Isagoo madaxweynuhu muujinaya sida uu quus uga joogo Villa Xamar ayuu yiri Sidii Geeljirihii meel inoo dhiga somalinimada. Wax suurto gal ah ma aha in puntland Soomaalinimada ka shaqayso dadka kalena burburiyaan. Madaxweynuhu wuxuu is waydiiyey sababta ay Puntland isku saarayso kaligeed culayska Soomalinimo oo aan lala qaadayn.

Dr Gaas wuxuu daboolka ka qaaday in ay Puntland ku daashay Soomaalinimada. Wuxuu kaloo madaxweynuhu banaanka soo dhigay quusta uu ka joogo Xamar wuxuuna yiri ”Soortaan cunidoona saansaanteedaan ka gartaa ”….. Xamar nala garanmayso waxa aanu rabno oo ah soomaalinamo

 Hoos ka dhagayso Gaas

Ku Dhagayso MP3


Ku Dhagayso MP3

Hoos ka daawo Sawirada

593

594

595

596

597

598

599

600

601

602

603

 

Puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *