DFS (Xamar) oo boobtay deeqihii waxbarasho ee Soomaaliya loogu talagalay, sidii caadada u ahayd in ay wax walna isugu koobaan

0

Gaalkacyo(Pes): Boobka lagu hayo reer Puntland kuma koobna sharcigii dhamaa ee lagu heshiiyey ahaana waxa la isku aaminayo ee waxaa la boobay jagooyinkii dadka soomalida ah ka dhexeeyey ileen waxbaa la isku darsadaye. Waxaa la boobay ama la carqaladeeyey khayraadkii ka dhexeeyet ummada Soo,aaliyeed. Waxaa la ama lagu takrifashay dhaqaalihii loo soo dhiibay dhamaan ummada Soomaaliyeed. Waxaa kaloo taa ka sii daran dagaalka iyo boobka ummadda lagu hayo in laga hor istaagay waxbarashii loogu deeqay ummadda Soomaaliyeed si ay mustaqbal u yeeshaan beri haddii allah idmo. Waxaa la xalaalaystay ama la banaystay in shahaadada Puntland la yiraahdo waa foojar ee taayada kaliyaa soconaysa. Boobku intaa oo kaliya maaha ee wax loo hambeeyey ma jirto reer Puntalnd ilaa ugu dambayn la damco in gobolkii dhamaa ee Mudug in la boobo.

Waxaa laga helay Villa Xamar oo banaanka u soo baxay Documenti cadaynaya in deeq waxbarasho la siiyay arday ka badan 356 la musuq maasuqay. Tani waxay muujinaysaa sida ay u neceb yihiin madaxda DFS horumarka kala duwan ee ka jira goballadda ku caan baxay nabada iyo wanaaga ee Puntland.

Ardayda ay u boobeen xaqii ummadda Soomaaliyeed ka dhexeeyey ayaa uda,doodu u badan tahay kuwa aad u da yar sida 17 sano. Waxaa halkaa ka muuqadata musuqmaasuqu intuu gaarsiisan yahay.

Waxaana Documentigan oo ah kii ugu horeeyay ee Puntlandes ay heshay uu mmujinayaa sida magaca Soomaalinimasda dad goonihi u isticmaalaan iyagoo ay ka qatan yihiin shacabweynaha reer Puntland iyo dhamaan soomaalida kale. Waa siduu u yiti shalay, 20-08-2014 madaxweynaha Puntland Dr Gaas soomaalinimadu ma in dad gooniyihi isticmaala, kuwaas oo ah kuwa hortaagan in ay hanoqaado dowlad federaal ah oo soomaaliyeed. Waxaa Xamar caado u ahayd 25 kii sano ee la soo dhaafay in ay boobaan wax walba oo magac soomliyeed lagu soo helo iyagoo sidii madaxweyne Gaas u sheegayna ku handada soomlida kale in ay soomaalinimada diidayaan haddii la yiraahdo waa qalad waxaasi. ”Puntland way ku daashay Soomalinimada ….” waa digniintii ugu dambaysay oo madaxweyne Gaas bixiyo

Waxaana sida Documentiga aad ka dheehan doontaan ardayda reer Puntland la siiyay laba Xubnood oo kaliya kuwaas oo lagu qasbay in ay gataan shahaada Suuqa Bakaaraha lagu iibiyo iyo bixiyaana lacag fara badan. Deeqdan waxabarasho oo ay noogu deeqeen dowladaha Yemen iyo Sudan ayey ahayd in Soomaali oo dhan si cadaalada loogu qaybiyo laakiin qabiil gooni ah ayaa afka ku shubtay iyagoo adeegsanaya awoodii ummadda Soomaaliyeed ka dhaxaysay.

Aqoonyahano reer Puntland ah ayaa qaba in aan Xamar waxba lala wadaagi karin ayna tahay waqtigii ku haboonaa ee Puntland ka tashan lahayd Xamar. Quburo u kuu galay boobka wax walbaalaha ah ee Xamar yaala in uusan is bedelayn ee ay tahay in laga tashto Xamar.

Wali madaxda wasaradda waxbarashadda Puntland kama aysan hadlin arrintaan,balse Puntland ayaa muujisay inay u baahan tahay inay ka hesho DFS muwaacinooyinka iyo deeqaha waxbarashadda ee magaca umadda Soomaaliyeed lagu soo qaado qaybtooda saxda ah.

Hoos ka akhriso meelaha ay ka soo kala jeedaan ardaydda deeqdan waxbarasho lagu qoray.

Deeq waxbarasho oo ay boobtay DFS

176

 

 Xafiiska wararka

Puntlandes.com

 

606 607 608 609 610 611 612 613

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *