Sawiro: Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland oo Garoowe ka furay shir looga hadlayo Maamul Baahinta Puntland

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa Maanta 09-Feb-2016 magaalada Garoowe ka furay shir looga hadlayey Maamul baahinta iyo Barnaamijka horumarinta Degmooyinka ee (JPLG).

Shirka ayaa waxaa kasoo qayb galay Degmooyinka gobolada Puntland ee  uu ka socdo barnaamijka JPLG kuwaas oo soo bandhigayey waxyaabihii ay ka faa’iideen muddooyinkii uu ka socdey Barnaamijkaasi JPLG iyo Wax-yaabaha u qorshaysan mustaqbalka dhow.

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ayaa uga mahadceliyey Hay’adaha Puntland ka caawiya dhinaca horumarinta Degmooyinka isagoona geesta kale ku ammaanay Degmooyinkii nasiibka u yeeshay JPLG sida ay uga faa’iideysteen.

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ayaa sidoo kale ku booriyey guddoomiyayaasha Degmooyinka Puntland in aanay ku fekerin  mucaawinooyinka ay helaan oo keliya, balse ay layimaadaan qorshayaal ay bulshada ku horamarin karaan iyagoo ka duulaya barnaamijkii Puntland Haysku Tashato, si bulshada loo gaadhsiiyo adeegyo buuxin kara baahiyohooda.

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ayaa sidoo kale Hay’adaha ku booriyey in ay adeegyadooda wada gaadhsiiyan guud ahaan degmooyinka gobolada Puntland isla marahaantaana joojiyaan adeegsiga erayada ay ku tilmaamayaan inaan la gaadhi karin qaybo kamid ah Degmooyinka Puntland, waxaana uu intaa sii raaciyey in Madaxda Dawladda Puntland ay booqasho ku tageen Deegaanada fog-fog ee Puntland, taa beddelkeedana loo baahan yahay in ay hay’aduhuna tagaan degmooyinkaasi. 

IMG_2967IMG_2968IMG_2969IMG_2972IMG_2974IMG_2978IMG_2983IMG_2992IMG_2998IMG_3006IMG_3007IMG_3015IMG_3017IMG_3027IMG_3032IMG_3036IMG_3047IMG_3052IMG_3071

About The Author