DEG DEG: Madaxweyne Gaas oo magacaabaya guddiga doorashooyinka

15 Feb 2016 (Puntlandes) Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa saacadaha soo socda ku dhawaaqaya Guddiga Goorashooyinka Puntland, kuwaasi oo ka kooban 9 xubnood, oo madaxweynuhu 5 kamid ah magacaabistooda leeyahay, halka 4 kale uu magaabayo Barlamanka Puntland.

war-deg-dega1211

Xubnaha madaxweyne Gaas magacaabayo waxaa ka mida, Agaasimihii hore Puntland TV Axmed Maxamed Cali Kismayo, kaaso kamid ah wariyaasha Puntland.  Madaxweynaha Puntland, ayaa horay u sheegay inuu samaynayo guddiga doorashooyinka, waxayna kamid ah waxyaabihii loollanka ku galay xilligii uu murashaxa ahaa 2014 inuu dalka gaarsiin doono nidaamka axsaabta badan.

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa lafilayaa inuu barri 16 Febraayo, 2016, u dhoofo dalka Ethopia. 

Liiska xubnaha u magacaabi doono Madaxweyne Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas waxaan idiin kusoo gudbin doonnaa wararkeena dambe. 

About The Author