Sawiro:Madaxweyne Gaas oo Maanta Safar Shaqo ugu amba baxay Waddanka Itoobiya

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo uu weheliyo Wasiirka Ganacsiga Dawladda Puntland ayaa maanta 16-Feb-2016 waxa uu safar shaqo oo gaaban ugu amba baxay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Waddanka Itoobiya kadib markii uu Casumaad rasmi ah ka helay Dawladda Itoobiya.

Madaxweynaha yaa waxaa Garoonka diyaaradaha kusii Sagootiyey Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Axmed Cali Xaashi, Wasiiro, Xildhibaano, Agaasimayaal, saraakiil ciidan iyo dadweyne kale.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa intaanu ka amba bixin garoonka diyaaradaha ee Garoowe waxaa uu warfidiyeenada uga warbixiyey ujeedka safarkiisa, waxaana uuu sheegay in uu safarkiisu ku qotomo casumaad rasmi ah oo uu ka helay Dawladda Itoobiya.

“Maanta waxaan safar shaqo oo kooban  ugu amba baxayaa waddanka Itoobiya, waxaana u aaday casumaad rasmi ah oo aan ka helay Dawladda Itoobiya, waad ogtihiin oo Puntland iyo Itoobiya waxa ka dhexeeya iskaashi dhinacyada ganacsiga, Nabadgeliyada iyo la dagaallanka Xagjirnimad ah”ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale sheegay in Dawladda Itoobiya ay Puntland kala shaqayso, dhinacyada sugidda Amniga, la dagaallanka argagixisada iyo xiriirka ganacsiga, isla markaana uu dawladda itoobiya kala hadli doono arrimahaas oo dhan iyo sidii shirkadaha ganacsi ee  Itoobiya ay maal gashi ugu samaysan lahaayeen Puntland.

IMG_0919IMG_0924IMG_0925IMG_0931IMG_0940IMG_0951

About The Author