Sawiro: Ciidanka Badda Puntland oo Soo Bandhigay Doonyo Iyo Hub ay Kusoo qabteen Koox Dadka ka Tahriibinaysay Ceelaayo

16 Feb 2016 (Puntlandes) Ciidamada Badda Puntland ayaa maanta Saxaafada usoo bandhigay Saddex doomood, Fuustooyin Shidaal iyo Hub lagu soo qabtay howlgal ay fuliyeen degaanka Ceelaayo oo 30 KM u jirta Bosaso.

Ciidamada ayaa howlgalka ku bartilmaameedsaday koox Tahriibinayey dad kor u dhaafaya 300 qof oo isugu jiray Soomaali iyo Itoobiyaan, waxaana Iska horimaad ka dhacay ku dhintay hal qof halka Saddex kalena dhaawac soo gaaray.

Taliyaha Ciidamada Badda Puntland Admiraal Cabdirisaaq Diiriye Faarax ayaa warbaahinta u sheegay in qalabka ku qabteen kooxdii dadka Tahriibinaysay kala yihiin 3-doomood,6-matoor iyo hub.

Waxa uu sheegay in Ujeedada ay lahaayeen ahayd dadka iney badbaadiyaan isla markaana gacanta kusoo dhigaan danbiilayaashii gacanta kula jiray Tahriibka.

Admiraal Cabdirisaaq Diiriye Faarax ayaa sheegay iney gacanta ku hayaan kooxdii tahriibinaysay dadka isla markaana iyaga iyo qalabkooda sida ugu dhakhsiyaha badan usoo qaban doonaan.

Sidoo kale waxa uu sheegay iney garanayaan mulkiilayaasha doomaha la qabtay ,isagoona xusay sida ugu dhakhsiyaha badan usoo qaban doonaan.

Taliyaha ayaa ugu baaqay bulshada Puntland iney si weyn ula shaqeeyaan Ciidamada Badda isla mar ahaantaana aysan ogolaan qashin in degaanadooda laga dhoofin.

Ciidamada ayaa howlgalkii ay qaadeen kusoo qabtay 32-qof Soomaali iyo 14 qof oo u ku jiro Taliyihii saldhiga Ceelaayo u ku eedeeyey in uu ka danbeeyey weerarka iyo Tahriibinta.

DSC_0868 DSC_0886 DSC_0890 DSC_0898 DSC_0903 DSC_0910 DSC_0923 DSC_0929 DSC_0932 DSC_0940 DSC_0946 DSC_0947 DSC_0974 DSC_0977 DSC_09671

About The Author