GUDOOMIYE XIGEENKII GUDDIGA DASTUURKA JUBBALAND DR’S IDIL OO XALAY KU HOYATAY XABSIGA KISMAAYO

Xabsiga dhexe ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa xalay ku hoyatay Gabadh lagu magacaabo Dr’s Idil Cabdulqaadir Xaaji Xuseen oo ahayd gudoomiye ku xigeenkii guddiga qoray Dastuurka maamulka Jubbaland, kadib marki shalay galabtii ay ciidamo ka tirsan Maamulka Jubbaland ay ka kaxeeyeen hooygeeda ay ka daganeyd gudaha magaalda Kismaayo.

Xildhibaan ka tirsan maamulka Jubbaland oo diiday in la shaaciyo magaciisa ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay xariga Dr’s Idil Cabdulqaadir
Xaaji Xuseen.

214-2b

Dr’s Idil

Taliyaha soo xiray Dr’s Idil oo lagu magacaabo Axmed Muuse Xirsi ayaa sheegay in amarka lagu soo xiray gabadhan uu bixiyay wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga ee maamulka Jubbaland Jeneral Darwiish.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeeysa xariga lagula kacay Dr’s Idil Cabdulqaadir, balse waxaa lala xiriirinayaa inay ka dambeeyso tallaabada Jeneral Darwiish uu ku doonayo inuu ku xirxiro masuuliyiinta iyo wax garadka taageeray go’aankii dhowaan ay soo saareen salaadiinta iyo duubyada beelaha Harti, kaasoo ay ku sheegeen inay kalsoonidii siyaasadda ee Harti ee Darwiish ay kala laabteen.

Waxaana markii uu soo baxay go’aankaasi magaalada Kismaayo laga masaafuriyay suldaankii guud ee beesha Harti, Sidoo kale waxaa Isla Kismaayo ku xiran Nabadoonkii Guud ee Beesha Ciise Maxamuud ee Jubooyinka Cabdilaahi Bille.

Xariga loo geystay Dr’s Idil waxaa cambaareeyay cuqaasha iyo waxgaradka ku dhaqan magaalada Kismaayo, waxaana ay ku tilmaameen mid sharci darro
oo meel ka dhac ah.

Dr’s Idil Cabdulqaadir Xaaji Xuseen ayaa ahayd gabadh aqoonyahanad ah oo kaalin muuqata ka qaadatay dhismaha maamulka Jubbaland.

Idil oo la sawiran Mr Key iyo guddiga dastuurka jubbaland
Idil oo la sawiran Mr Key iyo guddiga dastuurka jubband

Xigasho Puntlandpost

About The Author