Daawo Video: Haweenka Gobolka Karkaar oo Cambaareeyay Xariga & Musaafurinta ay Maamulka Jubaland ku hayaan Beelaha Harti

1 marso 206 (PUntlandes) Kulan ay isugu yimaadeen Haweenka beelaha harti ee Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa waxa ay ku cambaareeyeen xariga iyo musaafurinta loo gaystay isimada, cuqaasha iyo iyo waxgaradka Jubaland waxayna Maamul goboleedka Jubaland ku eedeeyeen inuu si sharci daro ah oo aan waligeed dhicin ku sameeyeen Suldaan Maxamuud Geele Cumar kaasoo ay ka musaafuriyeen magaalada Kismaayo halka ilaa hada ay xabsiga ugu jiraan Caaqil C/llaahi Bile Siciid iyo Drs. Idil C/qaadir xuseen

214-6a

Haweenka oo kulankooda ka dhacay magaalada Qardho ayaa waxa ay Maamulka jubaland ku tilmaameen inay yihiin kuwo ilowshiyo dhow oo moogan kaalintii cuqaasha ay ka gaysteen dhisitaanka maamulka jubaland oo dhibaatooyin farabadan ay kala kulmeen cuqaasha.

Madaxweyne Axmed Madoobe iyo xukuumadiisa ayaa waxa ay ugu baaqeen in xiligan aan lajoogin xili cuqaal kaalin wayn ka gaystay dhisitaanka Jubaland xarig iyo musaafurin loo gaysto waxayna madaxweynaha iyo maamulkiisa ka codsadeen inay si sharuud la’aan ah xabsiga uga siidaayaan Caaqil C/llaahi Bile Siciid iyo Drs. Idil C.qaadir Xuseen halka ay ka codsadeen maamulka inuu si sharuud la’aan ah gurigiisa loogu soo celiyo suldaanka la musaafuriyay .

Haweenka ayaa ugu dambayn soo saaray Bayaan 5 qodob ah oo u qoran sida tan:

    1. Waa in maamulka Jubaland si sharuud la’aan ah ku siidaaya Caaqil C/llaahi Bile Siciid iyo Drs. Idil C.qaadir xuseen oo si sharci daro ah ugu xiran magaalada Kismaaayo
    2. Waa in maamulka Jubaland uu raaligalin buuxda ka bixiyo Musaafurinta Suldaanka Beelaha Harti Suldaan Maxamuud Geele Cumar iyo xariga loo gaystay Cuqaasha kale si deg deg ah na loogu soo celiyo deegaanadooda oo laga musaafuriyay
    3. In Maamulka Jubaland uu joojiyo Caqabad ku noqoshada Caleema saarka suldaanka guud ee beesha harti ee Jubooyinka Suldaan Maxamuud Geele Cumar
    4. In maamulka Jubaland uu ka daayo Isimada iyo waxgaradka Beesha Harti ee Jubooyinka falalka qalafsan ee ah Xariga, Musaafurinta iyo cagajuglaynta joogtada ah

Ugu dambayntii waxa ay haweenka harti gobolka karkaar ee Puntland ugu baaqayaan Siyaasiyiinta, aqoonyahanka iyo waxgaradka Isimada, haweenka dhamaan inay arintaa galaan oo door shariif ah ka qaataan xalinta arintaas

About The Author