Sawirro: Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland oo kaqayb galay Munaasibadda Xuska maalinta Haweenka Adduunka

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta March 8, 2016 magaalada Garoowe ee Caasimadda Dawladda Puntland kaga qayb galay Munaasibad lagu xusayey maalinta Haweenka Adduunka oo sannadkiiba  la xuso maanta oo kale 8-da maarso.

Munaasibadda ayaa waxaa kasoo qayb galay guddoomiyaha Baarlamaanka Dawladda Puntland Axmed Cali Xaashi, Wasiirro, Xildhibaano, odayaal dhaqameed, xubno meteleyey beesha Caalamka, boqollaal Haween ah iyo Wasaaradda Haweenka Dawladda Puntland oo iyadu soo qaban-qaabisay Munaasabadda.

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha ayaa sheegay in haweenku  ay yihiin laf-dhabarta ummad walba, isla markaasna sheegay in maalintani ay  muhim u tahay  haweenka Adduunka, sidoo kalena  uu aad ugu faraxsan yahay in uu kala soo qayb galo xuska maalintan  haweenka Puntland.

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha ayaa xusay qiimaha ay  leedahay in la’ ilaaliyo xuquuqda haweenka isagoona sheegay in haweenka ay Diinta Islaamku siisay xuquuq dhammaystiran  taas oo aan cidkale siin karin.

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ugu dambayntii kula dar-daarmay haweenka Puntland in ay sii wadaan ka-qayb qaadashada horumarka iyo nabadda Puntland maadaama ay horeba uga shaqayn jireen.

IMG_1975IMG_1984IMG_1986IMG_1993IMG_1995IMG_2027IMG_2034IMG_2035IMG_2037IMG_2050IMG_2054IMG_2059IMG_2064IMG_2069IMG_2071IMG_2073IMG_2075IMG_2078IMG_2093IMG_2101IMG_2109IMG_2112

About The Author