DEG DEG: Kooxda Al-shabaab oo qabsaday deegaanka Garacad ee Gobolka Mudug

14 Marso 2016 (Puntlandes) War hadda kusoo dhacay Warbaahinta Puntlandes ayaa xaqiijinaya isbahaystay o oka tirsan Kooxda Alshabaab oo watay doonyo ay la wareegeen Degaanka Garacad ee Gobolka Mudug oo hoos yimaada degmada Jariiban ee Puntland.

215-8b

Doonyahaan Qabsaday Garacad ayaa ka yimid dhinaca degmada Xarardheere ee Koonfurta Mudug, waxaana Maleeshiyaadkaas lagu qiyaasay dhowr boqol iyagoo si rasmi ah gacanta ugu haya degmada Garacad.

Deegaanka Garacad ayaa ah deegaan Xeebeed ay maleeshiyaadku ku soo galeen doonyo iyagoo uga yimid dhinaca badda, iyadoo qiyaas ahaan 260KG dhinaca Bari uga beegan magaalada Gaalkacyo.

Faah faahinta warkaan goordhow kala soco Warbaahinta Puntlandes

About The Author