Dhagayso: Faahfaahin Xaaladii u dambaysay ee Degaanka Garacad

14 Marso 2016 (Puntlandes)  Wararka Warbaahinta Puntlandes kasoo gaaraya deegaanka Garacad ee Gobalka Mudug ayaa sheegaya in Ciidamada ka tirsan ururka Alshabaab ee la wareegeen deegaankaasi garacad ay yihiin Ciidan aad u badan, waxayna magaalada ka soo galay dhanka xeebta.

215-8c

Ciidamadan ayaa waxay saarnaayeen shan doonyood waxaana ay sidookale ku hubaysan yihiin hubka noocyadiisa kala duwan oo casri ah sida ay noo sheegeen dadka deegaanka.

Kaaxda Alshabaabka ayaa markii ay soo galeen Magaalada Garacad waxay la shireen odayaasha deegaanka waxaana ay u sheegeen inay yihiin Alshabaab.

Degmada godob jiraan oo 55 KM u jirta Garacad ayaa waxaa ka jirtah cabsi xoogan iyo is abaabul ay dadku samaynayaan iyagoo ka cabsi qaba Alshabaab sida uu noo sheegay gudoomiyaha Gobalka degmada godob jiraan Yuusuf Maxamed Faarax.

Gudoomiyaha degmada godob jiraan Yuusuf Maxamed Faarax oo inta aysan go,in isgaarsiinta Garacad xiriir la sameeyey ayaa sheegay in dadku ay u sheegeen in dhamaan magaalada ay gacanta kugu jirto Alshabaab.

Ma jirto ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay dowladda dhexe ee Puntland iyo saraakiisha ciidanka.

Dhegeyso gudomiyaha Degmada Godob jiiraan.


Wixii warar ah ee kasoo kordha kala soco Warbaahinta Puntlandes
Puntlandes.com

About The Author