Bosaso: Madaxwayne ku xigeenka Puntland Eng. Camay oo gaaray magaalada Bosaso

30 Marso 2016 (Puntlandes) Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo madaxwayne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Camay ayaa maanta gaaray Xarunta Ganacsiga Puntland ee Bosaso.

207-2

Camay ayaa sheegay ujeedka socdaalkiisa inuu qayb ka yahay dar dar galinta gurmadka loogu jiro Ciidanka Difaaca Puntland iyo ka qayb qaadashada Abaaraha ka jira Puntland, oo hadda biyo dhaamin laga bilaabay qaybo ka mid ah Gobalka Sanaag.

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Camay ayaa shacabka ugu baaqay inay ka qayb galaan labadaasi gurmad, maadama Puntlad dadka ku nool ay isku duuban yihiin, mudada uu ku jira socdaalkiisa gobalka bari wuxuu kulamo la qaadanayaa qaybaha kala duwan ee shacabka, mamulka gobalka iyo ganacsatadda.

 

About The Author