Sawiro: Safiirka DFS ee USA oo gaaray Muqdisho isagoo Boorsooyin lacag ah watana kusoo wajahan Garowe

31 Marso 2016 (Puntlandes) Safiirka DFS u fadhiya dalka Maraykanka Axmed Ciise Cawad ayaa gaaray magalada Muqdisho, isagoo lagu wado inuu Boorsooyin lacag ah ay Kooxda DAMUL JADIID uga soo dhiibto magaalada Muqdisho kadibna uga sii gudbo Garowe Halkan ka akhri qaraal ay Warbaahinta Puntlandes ka qortay.

Safarka Amb. Cawad ayaa la xiriira Kooxda uu ka tirsan yahay ee DAMUL JADIID oo u yeeratay si ay lacag ugu dhiibaan uu ku Qanciyo qayb ka mida Shacabka reer Puntland iyo Siyaasoiyiin hore oo Xilal kasoo qabtay Dawlada Puntland uuna ka mid yahay madaxweynuhii hore ee Puntland Dr Faroole.

Amb. Cawad ayaa ku wajahan Caasi,mada Puntland ee Garowe isagoo wata lacagtii ugu badnayd ee ay DAMUL JADIID bixiso, isagoo dhanka kalena u ololaynaya sidii uu Xasan Sheekh oo ah Musharaxa DAMUL JADIID ee Villa Somalia uu mar kale u hana lahaa kursiga Villa Somalia.

Shacabka reer Garowe ayaa Siyaasiyiin iyo qaybaha kale ee Bulshadaba waxay aad uga soo horjeedaan Habka Faashilka ah ee uu wata Xasan Sheekh ee ah 4.5, Dr Faroole na waa Siyaasi Ruug cadaa ah oo uusan Gadan karin Xasan Sheekh oo ku fashilmay Siyaasada.

Warar Xog ogaal ah oo soo gaaray warbaahinta Puntlandes ayaa Xaqiijinaya inay Kooxda DAMUL JADIID usoo dirtay inuu ogolaysiiyo 4.5 reer Garowe, iyadoo uu yahay Qorshaha Kooxdaas inay kala qaybiyaan Shacabka iyo dawlada Puntland oo ku midaysan diidmada Habka Xasan Sheekh wato ee 4.5.
1

4
7

2

3

5

6

About The Author