Alshabaab oo ka hadlay Jabkii ka raacay Puntland

3 April 2016 (Puntlandes) Afhayeenka guud ee Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere), ayaa markii ugu horeesay ka hadlay duulaankii ay Alshabaab ku qaadeen qayb ka mida Xeebaha Puntland gaar ahaan Gobolada Mudug iyo Nugaal., iyagoo kala kulmay Ciidanka Difaaca Puntland dharbaaxo aysan ilaawi doonin.
218-5b1

Afhayeen Cali Dheere ayaa ku sheegay wax uu ugu yeeray sababta ay u aadeen Puntland in ay ahayd sidii ay uga dul qaadi lahaayeen dadka ku nool Gobolada Waqooyi Bari maamulka halkaasi ka taliya iyo sidii sharciga alle loogu dhaqi lahaa dadka ku dhaqan Deegaanadaasi.

Afhayeen Cali Dheere ayaa yiri isagooo ka hadlaya Masaakiintii ay soo qaldeen ee ay kasoo dhaadhiciyeen meesha dad idinka difaacdaa ma joogo sida ”Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay shantii Jamaadul Awal, 1437 dagaallo xoogan gobolada waqooy-bari kula galeen maamulka xoogga ku heysta goboladaas. Hadafka duulaankaas wuxuu ahaa sidii sharciga Allah loo gaarsiin lahaa, looguna maamuli lahaa deegaanadaas, loogana dul qaadi lahaa maamulka ka arimiya deegaanadaas, Dagaaladaas waxay mujaahidiintu ku bixiyeen naf iyo maal intaba iyagoo Allaah talo saartay, waxaan geesiyada howshaas fuliyey ku leenahay Allaha idinka abaalmariyo dadaalkaas aad u gasheen Islaamka iyo ehelkiisa. Allaah waxaan weydiisaneynaa in uu shuhadadiina aqbalo

Waxaa XUSID mudan in uusan Afhayeen Cali Dheere soo hadal qaadin maamulka Gobol iyo barka ka kooban ee Galmudug, iyadoo ay awal fari ku Godnayd DFS iyo Galmudug.
Afhayeenka Alshabaab kama uusan hadlin Khasaaraha dhimasho ee ay u gaysteen Ciidanka Difaaca Puntland , oo ka dhigay Malayshiyadii Alshabaab wax la dilo, wax la qabto iyo wax Cagaha wax ka daya oo aan carar joojin.

About The Author