Wasiirka Arimaha Dibada Itoobiya oo Garowe soo gaaray

3 April 2016 (Puntlandes) Waxaa goor dhawayd soo gaaray Caasimada Puntland ee Garowe Wasiirka Arimaha Dibada Dalka Itoobiya Edros Adhanom, waxaana garoonkaas kusoo dhaweeyey Madaxda Puntland iyo dadweyne aad u fara badan.

218-4c1

Wasiirka ayaa la filayaa inuu qayb ka noqdo sidii ay Puntland ku aqbali lahayd Habka 4.5 in lagu saleeyo doorashada sanadkan ee Soomaaliya taasoo ay Puntland horay u diiday.

Wafuud kale oo ka socda Beesha Caalamka iyo wadamada Gobalka ayaa maanta laga dhawrayaa Magaalada Garowe si ay iyana qayb uga noqdaan wadahadalada u socda Puntland iyo DFS ee la xiriira 4.5.

About The Author