REER PUNTLANDOW XASAN SHEEKH WAA UU DIIDAY HESHIISKA GAROWE LAGU WADAY IN LAGU SAXIIXO

3 April 2016 (Puntlandes) MINCO aad u wayn ayuu samaynayaa in Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh soo saaro Warsaxaafadeed uu ku diidan yahay Heshiiskii lagu waday in lagu SAXIIXO Caasimada Puntland ee Garowe iyadoo ay BEESHA CAALAMKU goobjoog ka tahay.

Waxay ahayd wax la sugayey in Xasan Sheekh iyo Kooxdiida DAMUL JADIID ay diidi doonaan FULINTA haddii Heshiis lagu galo Garowe laakiin waxaa dadku ku QOSLEEN inuu DIIDMO kala hor dhaco Xasan Kheesh iyadoo aan la Saxiixin.

217-3b

Warsaxaafadeed Xasan Sheekh uu ku faafiyey ka hor Saxiixa wuxuu cadaynayaa in uu diidan yahay Qodobadii ay Puntland Sharuuda uga dhigtay inay Aqbasho habka Foosha xun ee Qabaliga ah ee 4.5, isagoo uga hor dhacay CARQALADAYNTA in Heshiis la galo.

Xasan Sheekh dawladnimo ma doonayo mana doonayo in Soomaaliyi wax wada lahaato ee waxuu doonayaa inay Villa Soomaaliy akusii nagaato Kooxdiisa DAMUL JADIID, waana in ilgaar ah lagu hayaa Riwaayada ay Beesha Caalamku garwadeenka ka tahay.

Raysul wasaare Cumar waa nin Fashilmay kuna Fashilmay Xilkii ay ummadda Soomaaliyeed u dhiibatay wuxuuna uu Jeebka Xasan Sheekh, mana fulin karo waxa uu saxiixo.

 

About The Author