DEG DEG: SHIRKII GAROWE OO LA ISKU MARI WAAYEY KADID MARKII UU XASAN SHEEKH QODABO KA MIDA HESHIISKA DIIDAY

3 April 2016 (Puntlandes)  War iminka kazoo gaaray Warbaahinta Puntlandes Madaxtooyada Puntland ee Garowe ayaa sheegaya in Shirkii u socday dawladda Puntland iyo wafdigii DFS ee uu hogaaminayey raysul wasaare Cumar ayna goob jooga ka ahayd Beesha Caalamka la isku mari waayey laguna kala kacay.

215-8b

Xog ogaal ku sugan goobta ayaaa u soo dusiyey Warbaahinta Puntlandes in markii hore ay wafdiga Raysul wasaaruhu ogolaadeen Qodobadii ay Puntland sharuuda uga dhigtay Ogolaanshaha 4.5 saakana loo balansanaa in la saxiixo ayna taas tahay sababta ay Wafuuda Caalamiga ah ee faraha badan u yimaadeen Caasimada Puntland.

Waxaa Carqaladu soo baxaday markii uu madaxweynaha DFS Xasan Sheekh ka biyo diiday Qodobadii lagu Heshiiyey qayb ka mida isagoo Gaashaanka u daruuray.

Wixii war ah ee kusoo kordha kala soco Warbaahinta Puntlandes

About The Author