Akhriso: Taageerayaasha Xasan Sheekh oo faafiyey wax ay ugu yeereen Heshiiskii uu Xasan Sheekh ka biyo diidauy ee Puntland & DFS

3 April 2016 (Puntlandes)  Kooxda DAMUL JADIID ee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxay faafiyeen wax ay ugu yeereen Heshiiskii ay wada saxiixan lahaayeen  dawlada Puntland iyo DFS, kaasoo uu ka biyo diiday Xasan Sheekh.

215-b

 

Qodobada heshiiska ayaa waxaa laga xusi karaa:

  1. Puntland ma aqoonsana dhammaan Guddiyada Qaran ee ay DFSsi iskeed ah u  magacowday.
  2. Puntland ma aqoonsana Dastuurkii ay bedeshay DFS ee aan ka ahayn kii 6da saxiixe lahaa.
  3. Caasimada Soomaaliya waa inay maqaam gooni ah lahaataa loona dhamaadaa maamulkeeda
  4.  Waa in guddiyada doorashada qaran ay soo wada magacaabaan dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada.
  5. Xilalka qaran, sida safiirada, agaasimayaasha iyo taliyayaasha ciidan, waa in ay Puntland ka heshaa qeybteeda
  6. Waa in doorashada 2020 ay noqotaa qof iyo cod aan ka hadal lahayn.
  7. Puntland waxay u madax banaan tahay inay gasho Heshiisyada Caalamiga ah, ayada oo aan la tashan dowladda federaalka.
  8. Doorashada 2020, aqalka sare waxaa lagu soo xulayaa 18-kii gobol ee jiray kahor 1991-kii, aqalka hoosena 92-ka degmo.
  9. 4.5 Marnaba dib uma soo laaban karo kadib doorashada 2016.

Halkan hoose ka akhriso Heshiiska oo English ah oo faahfaahsan iyo QODOBO BADAN oo ku jira

Puntland Agreement

Puntlandes.com

About The Author