Dhagayso-Sawiro: Guddoomiyaha gobolka “lama ogolaan doono gaari aan laheyn taariko lambar”

7 April 2016 (Puntlandes) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale, oo xalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arimo dhowr ah oo xaaladda gobolka quseysa.

Mudane Yuusuf, guddoomiyaha gobolka, ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya aan la ogolaan karin in magaalada lagu dhex wato gaari aan laheyn taariko lambar ha wato shacab ama mas’uul dowladeed.

Guddoomiyuhu waxaa kale oo uu sheegay in shacabka degan magaalada Muqdisho looga baahan yahay in ay qaataan teesare minishiibiyo ama warqada aqoonta ee dowlada hoose ee Xamar si loo soo celiyo nidaamka dowliga ah.

Sidoo kale guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa intaa ku daray in barnaamijka “hal dollar ku dhiso dalkaaga” uu meel wanaagsan uu marayo isla markaana dhismaha waddooyin laami ah oo barnaamijkaas lagu hirgeliyay gebagebo ku dhow yihiin.

“Arinta canshuuraha guriyaha waa mid muhiim u ah horumarka dalka hadda waxaa noo taala liaa 400,000 oo dollar laguna dhisi doono waddooyin laami ah oo uu kamid yahay waddada wadnaha, canshuurta waxaa qaada dowlada hoose iyo wasaaradda maaliyadda,” ayuu yiri Jimcaale.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in amniga gobolka Banaadir wax badan laga qaban doono isla markaana shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay gacan ka geystaan sugidda amniga magaalada Muqdisho.
Dhagayso warbixin ay VOA ka diyaarisay

FB_IMG_1459969702160FB_IMG_1459969706607FB_IMG_1459969712234FB_IMG_1459969715871

Puntlandes.com

About The Author