Sawiro; Cisbitaalka Bursaalax oo Mobile Health Team qalabkiisu u dhamaystiran yahay u diray shalay Degaanada Rigomane iyo Daarusalaam

9 April 2016 (Puntlandes)   Cisbitaalka Bursaalax (Bursalah Referal Hospital) ayaa shalay oo ay taarikikhdu ahayd  8di April 2016 Safar shaqo ku tagay Deegaanada Rigoomane iyo Daaru salaam safarkaas oo daba socda wacyigelin uu  Cisbitaalku 7dii April kusoo qabtay deegaanadaan, Faahfaahin halkan ka akhriso.

Wacyigelinta uu Cisbitaalku sameeyey ayaa ahayd in dadwaynaha ku nool Deegaanadaas la gaarsiiyo Addeegtada uu Cisbitaalku bixiyo, Qalabka Casriga ah oo Cisbitaalka loo keenay, Xoojinta isku xirnaanta bulshada Deegaanadaas iyo Cisbitaalka iyo Dhakhaatiirta ka hawlgasha Cisbitaalka Bursaalax (Bursalah Referal Hospital), ee hoos yimaada Barnaamijka Horumarinta Bulshada Bursalax.

Bulshada Deegaanadaas ku nool ayaa aad u soo dhaweeyey Maamulka iyo shaqaalaha Cisbitaallka iyagoo muhiimad gaar ah siinayey Addeegyada Caafimaadka diyaarna u ahaa in wax loo qabto.

Cisbitaalka Bursaalax (Bursalah Referal Hospital) ayaa isla goobtii ku go’aansaday inay adeegyoCaafimaad u qabtaan bukaan ka badan 96 qof oo u badan reer miyiga Deegaankaas kana koobnaa  Carruur iyo Hooyooyin.

Waa markii ugu horraysay ee Mobile Health Team qalabkiisu dhamaystiran yahay uu yimaado Deegaanka Daaru salaam, iyadoo ay dadka deegaanku ka mahadceliyeen sida uu Cisbitaalka Bursaalax (Bursalah Referal Hospital) ugu addeegayo Bulshadiisa.

Dhanka kale Suldaanka Beesha Deegaankaas, odoyasha, Waxgaradka ayaa waxay hambalyo iyo bogaadin u direen Maamulka Sharuuca Horumarinta Bursaalax oo heelan ka shaqaynta Horumarinta Bulshada Bursaalax iyo Deegaanada hoos yimaada,

Teamka Caafimaadka ee Barnaamijka Horumarinta Bulshada Bursalax ayaa waxay gudoonsiinyeen 4 geed oo ah geed Hindiga ama mirimiri, si ay uga qayb qaadataan Bilicda Deegaanka waxaana Geedahaas wada  beeray Suldaan Cabdirashiid iyo  Maxamed Cabdi Daahir Indhacadde oo matalayey B.H.B.Bursaalax

Daawo sawiro

5

3
1

2

4

6

7

Puntlandes

About The Author