Sawiro-AKHRI: Shirkii oo furmay & Qorshaha Doorashada ee ay Kooxda Damul Jadiid soo bandhigtay

10 April 2016 (Puntlandes) Villa Soomaaliya ayaa waxaa ka socda kulamo uga madaxda DFS iyo kuwa maamulada xubnaha ka ah DFS..

Kulamadaan ayaa waxa lagu go’aaminaya arrimaha Doorashada Soomaaliya ee sanadkaani, waxaana dhinacyadu kawada hadlayaan ajandayaal muhiim ah oo salka kuhaya khilaafaad soo ifbaxay.

Madaxweynaha DFS ayaa la sheegay inuu xalay soo bandhigay ajandayaal ay ku qoran yihiin jadwalka Doorashaa Soomaaliya waxayna yihiin sidatan.

  • Xubnaha aqalka sare ee baarlamanka, ayaa waxaa lasoo gudbinayaa 10-ka June, 2016.
  • Xubnaha aqalka hoose ee baarlamanka, ayaa lasoo dhameystirayaa ugu dambeyn 12-ka June, 2016.
  • Doorashada guuddoomiyaha baarlamanka (Aqalka hoose), ayaa waxa ay dhici doontaa 15-ka June.
  • Doorashada guddoomiye ku xigeenka baarlamanka, waxa ay dhici doontaa 17-ka June.
  • Doorashada Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya waxaa la qaban doonaa 10-ka September ee 2016.

6976117213411511

About The Author