Sawiro: Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland oo maanta kormeer ku tagay Garoonka Diyaaradaha Bosaso

21 Apr 2016 (Puntlandes) Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland General Cabdirisaaq Maxamuud Yuusuf (Afguduud) ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Garoonka Diyaaradaha Bosaso, isagoo  Taliyuhu kormeeray Xafiisyada iyo habka ay shaqada u eadaan Ciidanka Booliska ee ka shaqeeya Garoonka.

Intaas kadib ayuu Taliyuhu si guud iyo si gaar ahba u wareystay dadka rakaabka ah ee Garoonka Basaso ka duulayey iyagoo fadhiga qeybta lagu sugo duulimaadka, isagoo Taliyuhu uu waydiinayey in ay jiraan waxa shaqo xumo ah oo ay kala kulmeen Ciidanka Booliska ee ilaaliya amaanka Garoonka Diyaaradaha ee Boosaso iyo waliba Wixii talo ah ee ay soo jeedinayaa oo ku saabsan amaanka Garoonka Diyaaradaha Bosaso.
Dadka safrayey ee uuTaliyuhu wareysatay ayaa u sheegay Taliyaha in ayasan jirin wax shaqo xumo ah ee ay kala kulmeen Ciidanka Booliska ee ilaaliya Amaanka Garoonka Diyaaraha Bosaso, aad ayeyna ugu mahadceliyey Ciidankaas, waxaynaTaliyaha u sheegeen dadkaasi Talooyin lagu sii horumarinayo Amaanka Garoonka Bosaso.
Kormaarka uu Taliyuhu maanta ku tagay Garoonka Diyaaradaha Boosaso waxa uu si gaar ah ula xiriiray hawlaha amaanka garoonka Diyaaradaha ee Boosaso.

Tani waxay noqonaysaa markii ugu horeysay eeTaliye xukuma Ciidanka Booliska Puntland uu kormeero Garoon diyaaradeed ee ku yaala Puntland. Tailye Afgaduud ayaa ah Taliye aad u dadaal badan wax wayna ka qabtay Ciidanka Booliiska Puntland mudadii yarayd ee uu ahaa Taliyaha Ciidanka.
221-2

221-2a

221-2a1

221-2a2

221-2a3

221-2a4

221-2a5

221-2a6

221-2a7

221-2a8

221-2a9

221-2a10

221-2a12

221-2a13

221-2a14

221-2b

221-211
Puntlandes.com

About The Author