Agaasimaha hay’adda daryeelka bulshada Puntland Guure oo u Dhuuntay Xamar sidii wasiir Cali Xaaji

0

Garoowe (Pes): Agaasimaha guud ee hay’adda daryeelka bulshada Puntland, oo ka tirsan kooxda madaxweynaha Puntland Gaas ee la yiraahdo Isbedeldoonka Maxamed Cabdirisaaq Dayib Guure ayaa safar ku tagay magaalada Muqdisho iyadoo uu shaaciyey Dr Gaas in uu go,ay yahay xiriirkii awalba aan sharciga ahayn ee ka dhaxeeyey Dr Gaas iyo Xasan Culusooow.

 

Waxaa dad badan oo waxgaerad iyo aqoonyahano ah ay la yaaban yihiin sida ay suurtogal u tahay iyadoo uu go,an yahay xiriirka Puntland iyo dowlada Xamar in uu tago Xamar Agaasimaha guud  ee hay’adda daryeelka bulshada Puntland .Waa wax aan macquul ahayn iyadoo uu xiriirku go,an yahay in uu tago Maxamed Cabdirisaaq Dayib Guure. Wuxuuna isla markaas Dayib ka tirsan yahay kooxda maamusha Puntland ee Isbedeldoonka.

 

War lagu faafiyey saxaafada sida indho la,aanta u  taageerta madaxweyne Gaas ayaa lagu yiri kulan ayuu la qaatay Dayib safiirka dowladda Emarat-ka u qaabilsan arimaha Soomaaliya Mohamed Ahmed Othman iyo saraakiil katirsan safaarada Turkiga ee Muqdisho iyo sidoo kale hay’addo ay wada shaqeynta la leeyihiin sida Bishacas iyo Samsam foundation.

 

Waxaa loo xaqiijiyey Puntlandes in ay Agaasimaha guud  ee hay’adda daryeelka bulshada Puntland Xamar aad ugu soo dhaweeyey kooxda Damjadiid ee Xasan culusoow.

Shalay wuxuu xukunka yimid madaxweyne Gaas iyadoo uu  go,naa yahay xiriirka Puntland iyo Xamar markaas baa Wasiirkiisa Waxbarashada Cali Xaaji Warsame hal mar laga warhelay isagoo Xamar u dhuuntay markaa wixii ka dambeeyeyna maxay masuuliyiinta xukuumada Gaas sidii inay Raq u taal ugu carareen Xamar iyagoo markii la waydiiyana uu Gaas ku jawaabi jiaray sidii horuu u go,an yahay xiriirku.

31 dii july 2014 ayuu mar kale ku celiyey Dr Gaas in uu jaray xiriirkii isaga iyo Culusoow. Waana kan iyadoo ay ka soo wareegtay wax ka yar laba todobaad uu Agaasimihiisu isku soo masawirayo xamar.

 

Odey aad ugu xeeldheer falanqeyana arimaha siyaasada ayaa hoos ugu sheegay Puntlandes in uu u malaynayo in uu Dr gaas ergo ahaan ugu dirsaday xasan Culusoow, uuna ka dambeeyey Gaas. Maxaa yeelay suurtogal maaha in uu iskiis isaga tago Xamar, waxaas adeer caruurta looguma sheekeeyo ayuu ku soo gabagabeeyey odegaas la hadlay Puntlandes.

 

605

352

 

Puntlandes.com

 

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *