Mustafa Dhuxuloow oo ku hadlaya magaca Xasan Culusoow ayaa sheegay inay soo dhawaysay go’aamadii kasoo baxay shirkii madaxda Puntand

0

DFS ta Xasan Culusoow ayaa maanta sheegtay inay taageersan tahay go’aamada kasoo baxay shir wada tashi oo Garowe ku dhexmaray madaxda Puntland  iyo Xildhibaano Baarlamaanka DF ka socday balse Puntland kasoo jeeda.

Qoraal uu saxafada u diray wasiirka warfaafinta DF Mustafe Shiikh Dhuxulow ayaa lagu sheegay inay soo dhawaynayaan go’aankan ayna diyaar  u yihiin wax kasta oo la isku hay in lagu dhameeyo wada hadal iyo is-faham.

Madaxwayne Gaas ayaa xiriirkii aan awalba sharciyada aan haysan  u jaray DFS ka dib markii Villa Xamar lagu saxiixay heshiis lagu damacsan yahay in lagu sameeyo mamul ka taliya Mudug iyo Galgaduud,kaasoo muran badan ay ka muujiyeen shacabka Puntland ee Gobalka Mudug.

625

Shirka wadatashiga ah ee Garowe ka dhacay ayaa waxaa dowladda federaalka loogu sheegay inay  wada hadalkan ka qayb gasho isla markasna ay goob joog ka nodaan beesha caalamka. Lagumana xusun qoraalka ka soo baxay Mustafa Dhuxuloow in ay shuruudaas aqbaleen iyo in kale.

Dr Gaas ayaa waxaa saaran caadis lixaad leh oo kaga imaanaya Baarlamaanka Puntland  iyo shacabweynaha Puntland qaybihiisa kale duwan, ayagoo aaminsan in lagu daalay Xamar aana lagu jiri karin wixii lasoo maray 25 kii sano ee u dambaysay.

Dr Gaas ayaa waxaa haysta laba daran mid dooro taaso tan koowaad tahay isagoo markii horeba qorshihiisu ahaa in uu jaranjar ka dhigto Puntland uu u maro Villa Xamar oo aysan jirin wax yaalaa. Laakiin wuxuu hada ku baraarugay in aysan xaalku sidii u qorshaysnayd uusan ahayn ee ay tahay in uu noqdo madaxweynaha Puntland iskana ilaawo Villa Xamar ama in lala xisaabtamo.

 

Xafiiska wararka

Puntlandes.com

 

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *