Dhagayso Goodigii labaad oo ka yimaada Cabdi Qaybdiid kaasoo ku wajahan madaxweyne Gaas iyo Puntland

0

Gaalkacyo (Pes): Hogaamiyaha Maamulka Galmudug ee xaafada Baraxleey Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa marlabaad u goodiyey dowlada Puntland iyo madaxweynaheeda Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas

Cabdi Qeybdiid ayaa ku tilmaamay diidmadii uu diiday madaxweyne Dr Gaas in la boobo Gobolka Mudug mid ah daandaansi dagaal oo uu ku qaaday wax uu ugu yeeray dadka dega Gobolada dhexe. Qaybdiid ma faahfaahin cida uu ula jeedo dadka dega Gobolada dhexe laakiin waxaa loo badinayaa in uu ula jeedo dadka reer Puntland ee dega inta badan Gobolka Mudug in ay isaga ka tirsan yihiin. Oo markaas madaxweyne Gaas na ma Qaybdiid baa madaxweyne u ah???.

Waxaa hadaladiisa booloxooftada iyo goodinta ka muuqatay ka mid ahaa sidatan “C.wali isagaa daandaansi iyo Foodo doonaya, Waxaana loo qaadan karaa inuu wado Dagaal Beeleed oo soo noqdo, Uuna doonayo inuu ku banaysto dagaal”

Madaxweynaha dowlada Puntland Dr Gaas ayaa ka horyimid damac boob ah oo ay qorsheeyeen Xasan Culusoow iyo Qaybdiid kaas oo la damcay in lagu boobo Gobolka Mudug ee Puntland

 

Halkan ka dhagayso Qaybdiid

 

Puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *