Mudo kordhin loo samaynayo Hay’adaha DFS

30 April 2016 (Puntlandes) Waxaa si xowli ah uga socda magaalada Muqdisho sidii Hay’adaha DFS loogu kordhin lahaa mudada jiritaankooda, bacdamaa waqtiga haray iyo howsha taala ay kala baaxad weyn yihiin.

221-9a3

Sida ay Warbaahinta Puntlandes ku heshay warar hoose waxaa maalmahana socday kulmo isdaba joog ah oo ay yeelanayeen madaxda DFS iyo Gudiyadda Baarlamaanka, waxaana si hoose laysugu raacay in lagu daro mudo laba bilood ah.

Saaka ayaa waxaa loo balan san yahay in qorshaha Doorasho ee dalka la horgeeyo Baarlamaanka DFS, waxaa qayb ka ahaa qorshahaas codsi ka imanaya dowladda kaas oo ku aadan in waqtiga Hay’adaha DFS oo ku eg bisha Augst lagu daro mudo laba bilood ah si loo dhamaystiro shuruucda hortaala Baarlamaanka loona helo waqti lagu soo xulo xubnaha baarlamaanka cusub.

Mudo kordhintaan ayaa laga yaabaa ineysan soo dhaweyn Beesha Caalamku iyadoona u aragta in DFS ay ka caga jiidayso hirgalinta qorshaha Doorasho ee dalka ka dhacaya bisha Augst ee sanadkan oo ay naga xigto 3 bilood oo kaliya.

Puntlandes.com

About The Author