Wafdi Puntland oo u Kicitimay wadamada Malaysia, Thailand iyo South Korea

30 April 2016 (Puntlandes) Wafdi ballaaran oo Puntland ayna hogaaminayaan  Wasiirul dawlaha Madaxtooyada iyo Xiriirka Gobolada Puntland Bashiir Cabdiraxmaan Xaaji Gurxan, Wasiirul dawlaha Kalluumaysiga iyo khayraadka Badda Puntland C/raxmaan Jaamac Kulmiye iyo Agaasimaha Ciidamada Badda Puntland Cabdiraxmaan Maxamuud Xaaji Xasan ayaa waxay Safar la xiriira Maalgashi lagu sameeyo Puntland ugu kicitimeen Wadamada Malaysia, Thailand iyo Koonfurta Kuuriya (South Korea)

221-9b

Mas’uuliyiintan ayaa waxay dalalkaasi kula balansan yihiin Maalqabeeno Xiisaymnaya inay Maalgashtaan Puntland oo ah Goob Dihin Allahna ku manaystay Khayraad kala duwan Sida Kalluunka, Beeraha iyo Khayraad kala duwan oo dhulka Hoostiisa Ceegaaga.

Sida ay Warbaahinta Puntlandes ku heshay warar hoose waxay Maalqabeenadu doonayaan iany Puntland ka sameeuyaan Warshad wayn Kalluunka lagu Qasacadeeyo, Doonyo kalluumaysi oo badan oo Puntland la geeyo iyo Qaboojiyaal waawayn oo la dhigayo Ceebaha Puntland.

Haddii uu Mashruucaan lagu maalgashanyo Puntland  uu Hirgalo waxa uu dawlada uu Hogaamiyo Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas u Noqonayaa Guul kale oo ay ku tilaamsatay muddadi yarayd ee ay jirtay.

Doraad ayey ahayd markii Madaxweyne Gaas uu heshiis kula galay dalka Sacuudiga Maalqabeen u dhashay dalkaas, kaasoo Puntland ka samaynaya Mashaariic Wax ku ool ah oo kala ah:

  1. Dhisida Dekedda Garacad
  2. Dhisida Garoonka Diyaaradaha ee Cabdilaahi yuusuf ee magaalada Gaalkacyo
  3. Wado Laami ah oo isku xirta Garacad iyo, Xuduuda dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya, Degmada Galdagob

Maalgelintaan ayaa noqonaysa tii ugu Ballaarnayd ee ka dhacda Puntland waana Guul usoo hoyatay shacabka reer Puntland oo Faa’iidooyin aad u fara badan oo ay ka mid tahay Shaqooyin ka heli doona, waxay kaloo guul u tahay madaxweyne Gaas oo ay Ballanqaadkiisii Tartanka Doorashada ka mid ahayd inuu Puntland Cusub samayn doono taasoo ka Horumarsan wax badan Puntland tii hore.

Puntlandes.com

 

About The Author