Fadeexad: Hubkii ay Qabatay NATO oo Galmudug ku socday & Safiirkii Ciraaq u fadhiya DFS Xaaska C/kariim oo Xilkeedii ku wayday Hubkan & Shiico la Shaqayn!!!

30 April 2016 (Puntlandes) Waxay ahayd 15kii Oktoober 2015 markii ay shaqo ka bilowday Safaarda ay Soomaaliya ku lahayd Caasimada Baqdaad ee dalaka Ciraaq, halkaasoo ay ka shaqo bilowday Safiirada cusub ee Soomaaliay.

Safiirka uu Madaxweyne Xassan Sheekh u magacaabay inay Soomaaliya u fariisato dalka Ciraaq ayaa ahayd Khadiija Maxamed oo ah Xaaska Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xusseen Guuleed oo ka mid ah Kooxda DAMULJADIID xiriir aad u dhowna kala dhexeeyo madaxweynaha.

222-1a

Safiirad Khadiija Maxamed ayaa si deg fdeg ah waxay u bilowday Xiriir cusub oo aad u xoogan u bilowday Shiicada Ciraaq iyo Kooxda DAMULJADIID iyo dhanka kale Shiicada Ciraaq iyo maamulka Cabdikariim ee Galmudug.

Sida ay ogaatay Warbaahinta Puntlandes Safiirad Khadiija Maxamed ayaa waxay casuumad uga keentay Cabdikariim markiiba Shiicada Ciraaq, isagoo kula kulmay dalkaasi madax sar sare oo ka tirsan Shiicada u talisa dalkaasi.

222-1

Kullankaasi ka dib ayaa waxaa bilowday xiriir xoogan oo si gooni ah u dhex maray maamulka Cabdikariim iyo Shiicada Ciraaq, iyadoo ay Safiiradu ka shaqaysay in Hub fara badan ay Shiicada Ciraaq usoo diraan maamulka galmudug.

222-1a1

Hubkii faraha badnaa ee ay Ciimada NATO ku qabteen badda ayaa waxay sheegsaa Xog ay heshay Warbaahinta Puntlandes inay soo dirtay Safiirad Khadiija Maxamed uuna ku socday maamulka Cabdikariim ee Galmudug.

Waxaa kale oo Xogtu sheegaysaa inay wadamada carabta ee Sunniyiinta ah, gaar ahaan kuwa Khaliijka ay aad uga Caroodeen xiriirka ka dhex bilowday Shiicada Ciraaq iyo Safiirada Soomaaliya, Galmudug iyo DAMUL JADIID oo isku dhan, iyagoo cadaadis xoog badan ku saaray madaxweynaha DFS Xasan Sheekh inuu bedelo Safiirka ugu dambayntiina madaxweynaha oo u baahnaa lacagta Carabta si uu mar kale usoo noqdo ayaa xilkii ka qaaday Safiirada.

Safiirka uu Madaxweyne Xassan Sheekh u magacaabay inay Soomaaliya u fariisato dalka Ciraaq Khadiija Maxamed oo ah Xaaska Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim ayaa muddo aad u kooban ahayd Safiir (Oktoober ilaa mars), iyadoo sababta ay xoilkeeda ku waysay ay ahayd Hubkaas iyo Xiriirka xoogan ee ay la yeelatay Shiicada Ciraaq.

Halkan ka daawo sawirada mid ka mida labada Doonyood uu Hubka u waday maamulka Galmudug

Puntlandes.com

About The Author