Wararkii ugu dambeeyay weerarkii Hotel Ambassador

1 June 2016 (Puntlandes Dableydii weerarka kusoo qaaday Hotelka ayaa waxay  gudaha u galeen Hotelka, iyagoo ka dhex dagaalamaya Hotelka gudihiisa.

224-7c

Waxaa laga Cabsiqabaa in Kooxdii Weerarka soo qaday ay laayaan dadkii ku sugnaa Hotelka markii ay soo Weerareen, iyadoo aan cidina ogayn xaalada dadka Hoelka ku sugnaa.

Qaraxa lagu weeraray Hotelka Ambassador ayaa saameeyay dhismayaal ganacsi oo ku yaallay wadada Maka Al-Mukarama, waxaana ka mid ahaa daarta dheer ee Dahabshiil.

Gawaari dhowr ah oo wadada laamiga taalay ayaa bur buray, waxaana qaraxa ahaa mid aad u xooggan oo magaalada oo dhan laga maqlayay.

Puntlandes.com

About The Author