Dhagayso- sawiro: Madaxweynaha Puntland oo dhagax dhigay dayactir lagu samaynayo laamiga u dhaxeeya garoonka diyaaradaha iyo magalada Garowe

0

Madaxwaynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta dhagax dhigay waddo laami ah oo dib u dayactir lagu samaynayo kuna taal inta u dhexeysa Garoonka Diyaaradaha Garowe iyo halka laga soo galo Magaalada Garowe ee caasimada dowlada Puntland

Mashruucaan waxaa Maalgalinaysa Dowladda Japan, iyadoo fulintiisana ay iska kaashanayaan Hay’adda UNOPS iyo Hay’adda Wadooyinka Puntland u qaabilsan, waxaana dib u dayactirka wadada ku guulaysatay Shirkadda dib u dhiska ee Al-Bashi.

Dherarka wadada la dayactirayo oo ah 10-KM iyo 200-M ayaa waxa ay ka soo bilaabanaysa halka laga galo Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Garoowe, waxana ay ku dhamaanaysa Buundada Majabaxsi.

Dr. Gaas ayaa sheegay in mashruucani uu kamid yahay qorshaha horumarineed ee lagu dhisayo waddooyinka iyo xarumaha danta guud, isagoo ganacsatada ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan.

”’Dayactirka wadooyinku waa muhiim sababtoo ah wax waliba oo la dhiso hadaan la dayactirin oo aan laga shaqaynin waxaa badanaya dhibta, Kharashka mar waliba ku baxayana waa sii siyaadayaa, ee ha loo istaago dhib u dhiska xarumaha danta guud ee bulshada loogu adeegayo” ayuu Dr Cabdiweli Gaas.

Waxaa dhawaan imaan doona Khubaradii jidka isku xira Gaalkacyo iyo Garoowe ay maalgalinaysay EU iyo Hay’adihii ka shaqayn lahaa Mushruucaasi,mashruucyadii kale ee isugu jira Biyaha iyo Wadooyinka ee lay noogu deeqay iyana waxaan rajaynaynaa inay dhawaan bilowdaan’’Ayuu yiri Madaxwayne Gaas.

‘’Madaxda Dowladda Jarmalka ku xigeenka Ambasadorka ayaa iyana dhawaan inoo imaanaya wakhti aan dheeren howshana waxay u bilaaban Deg Deg,labada sano ee soo socota waxay nootahay in kaa bayaasha dhaqaalaha dalka ay yeeshan waji ka badalan wajiga hada ay leeyihiin‘’Ayuu hadalka Raaciyay Madaxwayne Gaas.

Dhagayso Gaas


Daawo sawirada
21

29

28

27

26

25

24

23

22

 

Puntlandes.com

 

 

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *