Dhagayso: Maxay ka wado Hadleen Nicholas Kay Xildhibaanada DF ee ka Soo Jeeda Puntland

0

Maalintii Shalay waxa uu kulan dhexmaray Wakiilka QM ee Soomaaliya Nicholas Kay iyo Xildhibaanada DFS kuwooda ka soo jeeda Puntland oo qaarkood dhawaan Madaxda Puntland go,aamo soo saareen.

Shirkan ayaa looga hadlay sida la sheegay qodobo ay ka mid yihiin xiriirka go’an ee dhexyaala Puntland iyo DFS ta Xasan Culusoow inkastoo markii uu soo dhamaaday aysan jirin cid saxaafada uga warantay shirka balse waxaa Maanta waraysi uu bixiyey Xildhibaan Maxamed Xuseen Aw Nuur oo ka mid ahaa xildhibaanada Shirka ka qayb galay.

Xilbaan  Aw Nuur waxa uu sheegay in kulankan uu ahaa mid ay soo qaban qaabiyeen xildhibaanada oo ay kala hadleen go’aamadii ka soo baxay Shirkii wadatashiga ay la soo qaateen Madaxda Puntland, isagoo sheegay in safiirka QM uu soo dhaweeyey qodobada iyo ka qayb galka dhexdhexaadinta Puntland iyo DFS.

Xildhibaanku waxa uu sheegay in Nicholas Kay u sheegay in nadaynta iyo hirgelinta nidaamka Federaalka aysan wax u dhimayn maamulada jira, Aw Nuur waxa uu sheegay qodobo qarsoon oo ay kala hadleen Kay balse aysan Saxaafada u soo bandhigayn.

Dhanka Maamul u samaynta Gobolada dhexe ayuu sheegay in ay kala hadleen Kay isagoo yir wuxuu sheegay in ay wadaan qorshaha lagu qancinayo Puntland.

Su’aal laga weydiiyey xildhibaan  Aw Nuur wakhtiga sii socda ee mudadii ay Puntland u qabatay in wadahadalka uu bilowma ayuu sheegay in dadaalkeeda wadaan ayn gudi u xilsaareen dhawaana ay guda gelayaan.

Xildhibaanada ka tirsan Baarlamaanka Culusoow ee ka soo jeeda Puntland ayaa waxa ay bishii Agoosto Garoowe kula qaateen wadatashi Madaxda Puntland, Iyagoo Markii ay Xamar ku noqdeen sida la sheegay ay  kulamo riwaayad ah oo dadka wax odorasaa u bixiyeen Qowda maqashii waxna ha u qaba.

DFS ta Xasan Culusoow Somalinimo iyo waxwadaqaybsasho loogama fadhiyo ee waa shimbirayahow heesa hees wanaagsan heesa. Iyagaa cirka roob ku og dadka maaweelada wadaahi.

Dhageyso Xildhibaanka


Puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *