Dowlada Puntland oo joojinaysa Gadiidka u kala gooshi jiray Puntland iyo Koonfur

0

War qoraal ah oo ku taariikhaysan 20 August,2014 kana soo baxey xafiiska Wasiirka Arimaha Gudaha oo,nuqul kamid ah-na soo gaarey warbaahinta caalamiga ah ee Puntlandes ayaa amraya Gudoomiyaha gobolada iyo kan magaalada Gaalkacyo iney joojiyaan baabuurta isaga kala gooshta Puntland iyo Konfurta Somalia.. Waxaana qoraalka lagu wargelinayaa Gudoomiyaha gobolka iyo degmada iney u sameeyaan goobo cayiman oo lagu kala wareejiyo badeecadaha ay sidaan laga bilaabo 25 Sept,2014.

Dhamaan gaadiidka laga leeyahay Puntland ma dhaafi karaan magaalada Galkacayo laga bilaabo 25 ka sebtembar, halka kuwa Koonfurta Somalia ka yimaadana aysan Gaalkacyo soo dhaafi karin.

Wareegtadaan ayaa sidoo kale amreysa in Wasardaha iyo hay’adaha ku shaqo leh howshaan ka caawiyaan gobolka Mudug. Qoraalkaan ayaa ah mid ay aad iyo aad u soo dhaweeyeen dadka Puntland ee ku daalay Xamar iyo xaalka yaal. Waxayna ku tilmaameen khuburada falanqeeya arimaha geeska go,aan geesinimo ah soona daahay.

Halkan ka akhri qoraalka Puntland

Goaan ka soo baxay dowlada Puntland

Xafiiska wararka

Puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *