Daawo Video- Sawiro: Bulshada Xaabo oo loo Dhisay Buundo ay Baahi wayn u qabeen

12 June 2016 (Puntlandes)  Waxaa laga hirgeliyey Deegaanka Xaabo Buundo 40-mitir dhererkeedu yahey balaceeduna yahey 2-mitir, Buundadaas oo isku xirta labada qeybood ee magaalada Xaabo.
Dhaqaalaha ku baxay dhismaha Buundadaas ayaa waxaa iska kaashaday Hay’ada UNDP iyo Dawladda Puntland, waxaana dabagalkeeda laheyd Wasaaradda Hawlaha Guud gaar ahaan Hay’ada wadooyinka Puntland(PHA), waxaana fulisey Shirkada (Tayo Construction Company).
Bulshada ku nool Xaafada Dayaxa maanta waxay  si qurux badan uga talaabeen Buundada, maxaa yeelay Badda ayaa kala qaybisa labada xaafadood ee magaalada Xaabo waxana dhexmara gacan ay biyaha baddu soo galaan oo dhererkiisu dhan yahay 2 mile

225-4c3

225-4c4

Daawo Dhibaatada haysatay Bulshada ku nool Xaafada Dayaxa gaar ahaan Caruurta Iskoolayda ah iyo Haweenka Adeegga u aada dhanka kale iyagoo Maryahooda oo qoyan ku taga dhanka kale ee magaalda.

Markii uu Barnaamijka Hado Somalia uu banaanka keenay dhibaatada ka jirta Xaabo ayaa waxaa dawlada Puntland iyo shacabkeeda u istaagteen wax ka qabashada arinkan, iyagoo ku guulaystay in laga hirgeliyo Xaabo Buundadaas aad hoos ka aragtaan sawirkeeda.

225-4c1

225-4c2

Puntlandes.com

About The Author