Ahlusuna oo Guriceel ku saacado ku xirtay Ugaaska Beesha Cayr

22 June 2016 (Puntlandes) magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayey Ciidamada Ahlusuna Wal-jameeca waxay muddo saacad ah xabsiga dhigeen Ugaaska Beesha Cayr, Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur.

226-3a

Ugaaska ayaa xilliga la rixayay waxaa uu ku sii jeeday magaalada Muqdisho, oo uu diyaarad u raaci rabay, waxaana warar kala duwan ka soo baxayaan sababaha ka dambeeya xarigiisa.

Xariga Ugaaska ayaa waxaa ka dhashay banaan bax ay dhigeen dadka reer Guriceel, kaasoo ay uga soo horjeedeen xariga Ugaaska, waxaana saacad kadib la sii daayay Ugaaska.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xariga Ugaas ay salka ku heyso soo xulista Xildhibaanada Beesha Cayr, waxaana la sheegay in Ugaaska Beesha Cayr uu ku sii jeedo degmada Cadaado, halkaasoo ka mid ah meelaha laga soo xulayo Xildhibaanada.

Ahlusuna ayaa la sheegay inay ka dalbatay Ugaaska in xildhibaanada beesha uga mid noqonaya Baarlamaanka laga soo xulo degmooyinka Dhuusa Mareeb iyo Guriceel.

Xildhibaanada Baarlamaanka ee Beesha Cayr ayaa lagu wadaa in lagu soo xulomagaalada Cadaado taasoo ay kasoo horjeedo Ahlusuna.

Puntlandes.com

About The Author