SAWIRO:- Marwada Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Garoowe Ku Daah Furtay Xarunta Cilmi Baarista Tiiraanyo Bixinta iyo Xal u Helidda Dhibaatooyinkii Dhacay

Marwada Madaxweynaha Dawladda Puntland Prof. Hodon Siciid Ciise ayaa maanta June 22 2016  waxay caasimadda Dawladda Puntland ee Garoowe uga qayb gashay munaasabad lagu daah furayey Xarunta Cilmi Baarista Tiiraanyo Bixinta iyo Xal u Helidda Dhibaatooyinkii Dhacay  (Research Center Transitional Justice and Trauma Healing for Peacebuilding  “ TJC”) , waxayna xaruntaani ka howl geli doontaa gudaha dalka iyadoo cilmi baaris ka samayn doonta tacadiyadii kala duwanaa ee ka dhacay Soomaaliya.

Barnaamijkan lagu yagleelayo xaruntan cilmi baarista loogu samaynayo Tiiraanyo Bixinta iyo Xal u Helidda Dhibaatooyinkii Dhacay “ TJC” waxaa iska kaashanaya oo si wada jir ah u daadihinaya Marwada Madaxweynaha Dawladda Puntland Prof. Hodon Siciid Ciise iyo Ms Fowsiya Abdulqadir oo ah aqoon yahano cilmi baaris ka sameeyey xaalado badan oo khuseeya arrimaha bulshada.

Madasha waxaa kasoo qayb galay golayaasha kala duwan ee Dawladda Puntland, aqoon yahano, ururrada haweenka, dhalinyaro, culimaa’udiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Puntland, waxayna si isku mid ah u taageereen qorshaha ay wado Xarunta Cilmi Baarista Tiiraanyo Bixinta iyo Xal u Helidda Dhibaatooyinkii Dhacay Research Center Transitional Justice and Trauma Healing for Peacebuilding  “ TJC” ), waxayna su’aalo kala duwan wadiiyeen aqoon yahanada soo qaban qabiyay daah furka xaruntan cusub.

Xarunta Jaamacadda PSU ayaa ahayd goobta ay ka dhacday madashani, waxaana khudbado kala duwan kasoo jeediyay Gudoomiyaha Jaamacadda PSU Max’uud Sheikh Xaamud, Wasiirka Waxbarashada Punland Dr Abshir Aw Ciise, Prof Hodon Siciid Ciise iyo Ms Fowsiya Abdulkadir.

Sidoo kale, waxaa madasha bar bar socday taba bar ay labadan aqoon yahan siinayeen ardayda iyo aqoon yahanka kala duwan ee Puntland, iyagoo si dhab ah usoo bandhigay muhiimada ay bulshada Soomaaliyeed u leedahay in la helo xarun cilmi baaris oo noocan oo kale ah, waxayna su’aalo kala duwan hor dhigeen ardaydii iyo aqoon yahankii kala duwanaa ee madasha kasoo qabgalay, waxaana su’aalahaasi qaab wada jir ah uga jawaabay dadkii ka qayb galay madasha,    Waa markii ugu horraysay oo xarun noocan oo kale ah laga hiregliyo Soomaaliya, waxaana si weyn looga rajo qabaa in xaruntaasi ooh ore u tallaabsato isla markaana natiijo ka gaarto sidii ay cilmi baaris ugu samayn lahayd Tiiraanyo Bixinta iyo Xal u Helidda Dhibaatooyinkii Dhacay .

1

1a

1aa

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13
Puntlandes.com

About The Author