BREAKING NEWS-Baydhabo: Muran ka taagan Cida Maamulaysa Miisaaniyadda Doorashada oo ay Beesha Caalamku bixinayso

24 June 2016 (Puntlandes) Shirka Madasha Hogaamiyayaasha Qaranka ee ka socda maalintii sadexaad magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa Muran wayn uu ka taagan yahay cida maamulaysa Miisaaniyadda Doorashada ama dhaqaalaha ku baxaya Doorashada oo ay Beesha Caalamku bixinayso.

226-3

Sida ay XOG rasmi ah ku heshay Warbaahinta Puntlandes waxaa loo badinayaa lacag cadadkeedu yahay 23 milyan oo dollar Maraykanka ah inay ku baxayso Doorashada Soomaaliya.

Warbaahinta Puntlandes ayaa Xogta ku ogaatay in uu Muran wayn ka jiro Cida maamulaysa lacagtaas loogu talagalay Doorashada ka dhacaysa Soomaaliya, iyadoo uu madaxweynah DFS ku doodayo inay DFS maamusho lacagtaas halka ay dawlad Goboleedyadu ka biyo diideen.

Waxaa xusud mudan inay saamayn wayn ku yeelanayso cidda hanata maamulka lacagtaas loogu talagalay inay ku baxdo Doorashada.

 

Wararka ku saabsan Shirka Baydhabo kala soco Warbaahinta Puntlandes

Puntlandes.com

About The Author