BREAKING NEWS-Baydhabo: Ergada soo xulaysa Xildhibaanda Somaliland oo laga dhigay 22 xubnood

24 June 2016 (Puntlandes) Shirka Madasha Hogaamiyayaasha Qaranka ee ka socda maalintii sadexaad magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa Heshiis buuxa laga gaaray Ergada soo xulaysa Xildhibaanda Somaliland.

Sida ay XOG rasmi ah ku heshay Warbaahinta Puntlandes waxay noqonaysaa Ergada soo xulaysa Xildhibaanda Somaliland 22 Ergo halka ay dawlad Goboleedyada kale ka tahay 51 Ergo.

226-3

Waxaan lagu Heshiiyey in Ergada soo xulaysa Xildhibaanda Somaliland ay ku soo xulayaan magaalada Muqdisho gaar ahaan Xerada Xalane oo fariisin u ah AMISOM iyo Wakiilada Beesha Caalamka.

Somaliland ayaa waxa laga soo xulayaa 47 Xildhibaan, iyadoo ay noqonayso wadarta guud ee Ergada soo Xulaysa Xildhibaanada Somaliland 1034 Ergo.

 

Wararka ku saabsan Shirka Baydhabo kala soco Warbaahinta Puntlandes

Puntlandes.com

About The Author