Britain oo ka baxday Midowga Yurub & RW David Cameron oo iscasilay

24 June 2016 (Puntlandes) Raysul Wasaaraha dalka Ingiriiska David Cameron, ayaa ku dhawaaqay inuu xilka isaga dagayo kadib markii aftidii la qaaday dadka Ingiriiska ay u codeeyeen in Ingiriisku uu ka baxo Midowga Yurub.

226-3d2

David Cameron ayaa ka codsaday xisbigiisa inay soo doortaan Raysul Wasaare Cusub bisha October ee soo socota. Cameron ayaa ku guul daraystay in Britain ay kasii mid ahaato Midowga Yurub.

David Cameron ayaa Raysul Wasaare ka ahaa dalka Ingiriiska laga soo bilaabo 11 maj 2010 ilaa iminka oo uu iska casilay xilkaas.

Aftidii loo qaaday in Dowlada Britain ay kasii mid ahaato iyo in ay ka baxdo ayaa codadka loo kala helay 17,410,742 oo u dhiganta 51.9 % oo u codeeyay in laga boxo Midowga Yurub, halka 16,141,241 oo u dhiganta 48.1% ay u codeeyeen in Britain ay kasii mid ahaato Midowga Yurub.

 

Puntlandes.com

About The Author