Warkii ay Puntlandes Qortay oo uu xaqiijiyey Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka DFS

24 June 2016 (Puntlandes) Warkii ay Shalay usoo gugbisay Warbaahinta Puntlandes akhristayaasheeda ee la xiriiray in Madasha Hogaamiyayaasha Qaranka ay isku raaceen in labo xubin laga siiyo Aqalka sare Beelaha Banaadiriga ah (Reer Xamar) ayaa waxaa xaqiijiyey Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Jeylaani Nuur Iikar, HALKAN KA AKHRISO WARKII AY QORTAY  Warbaahinta Puntlandes.

226-3d

Gudoomiye jaylaani ayaa u sheegay Wakaalada Wararka ee SONNA in lagu kordhiyey Aqalka Sare labo xubnood lana siiyay Beelaha Banaadiriga ee dega magaalada Muqdisho (Reer Xamar), isagoo ku tilmaamay in tani ay tahay guul.

Aqalka Sare ee baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa horay uga koobnaa 54 xubnood hadana waxaa lagu kordhiyay labo xubnood, kaasoo noqonaya 56 xubnood.

Dhanka kale Maqaamka magaalada Muqdisho ayey horay u go’aamisay Madasha Hogaamiyayaasha Qaranka, kaasoo dhigayay in la sameeyo guddi lixdan cisho ka soo shaqeeya maqaamka Muqdisho iyadoo aan wali la magacaabin Guddigaas.

Gelinka dambe ee maanta ayaa la filayaa in la soo gaba gabeeyo shirka Madasha Hogaamiyayaasha Qaranka maalintii Arbacadii ka furmay Muqdisho, iyadoo laga soo saari doono war murtiyeed ku aadan qorshaha doorashooyinka sanadkan iyo hirgelintiisa.

 

Wararka ku saabsan Shirka Baydhabo kala soco Warbaahinta Puntlandes

Puntlandes.com

About The Author