Sawiro: Tigey ”Carmo Colaad & dhiig lagu Daadsho Ma Mudna”

24 June 2016 (Puntlandes) Gudoomiyihii hore ee Gobolka Mudug Maxamed yuusuf Tigey ayaa sawiro iyo qaraal uu uga hadlayo Degmada carmo soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook ga.

GudoomiyeTigey ayaa ku dheeraaday qoraalkiisa ka hadalka Horumarka ya ku tilaabsatay Degmada carmo mudadii yarayd ee ay jirta taaso dhan walba ah, wuxuuna si qoto dheer u sharaxay inaysan ahyn in la Carqaladeeyo Horumarka baaxadda way nee ay ku tilaabsatay Degmada Carmo.

GudoomiyeTigey ayaa Horumarka Carmo kusoo bandhigay Sawiro aad u Qurxoon oo laga qaaday Degaanada beeraha hodanka ku ah ee carmo.

Hoos ka akhriso Qoraalka GudoomiyeTigey:

Carmo Colaad iyo dhiig lagu Daadsho Ma Mudna Dagmada Carmo Waxaan ku soo Arkay Beero la Galiyay Maal badan oo Wax soo Saar badan leh Shaqo Abuurna Dhalinyaro Badan looga Sameeyay Waxaa ka mid ahayd Beerta Xaaji salaad Cali hogato alle ha u Naxariistee iyo Beerta Ganacsade Ismaaciil Kutub Iyo Beerta aqoonyahan Digool Beerta Maxamad Yuusuf Deri oo Dhamaantood ka mid ahaa aasaasayaashii Carmo .Waxaa ku Taal Kulliyadda Tababarka Booliska Soomaaliyeed waxaa lagusoo Dhoweeyaa Qofwalba oo Soomaali ah oo Inuu Dago Diyaar u ah Waxaa dhul laga Siiyay Siyaasiyiin Badan oo ay ka Mid yihiin Prof Geeddi iyo Baadiyow Waxaa wax ka Dagan Dad Badan oo Qurbaha ka Soo Noqday oo Beero iyo Degaanba ka Samaystay Dagamada Carmo waxaa u Dhamaystiran Adeegyada aasaasiga ah sida waxbarashada Biyaha korontada Isgaarsiinta iyo Caafimaadka waxaa ku Yaal Bilcil Hospital iyo Xarumo kale oo Caafimaad Dagmada Carmo Mudada yar ee ay Jirtay waxay kaga Hormartay Dagmooyin illaa Talyaanigii Jiray
Dagmada Carmo waxay mudan tahay in lagu Taageero Horumarka ay samaysay in lagu Dhiirri Galiyo Wax Soosaarka iyo shaqo abuurka lagana Dhawro Dhibaato iyo Dagaal @ aaan Taageerno Horumarka iyo Xasiloonida

1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14

Xigasho: https://www.facebook.com/mohamed.yusuf.00252907792026

Puntlandes.com

About The Author