Shariif Xasan Walaalkiis & Dr Dr. Cabdulqaadir Cabdi Xaashi oo Wasiiro loo magacaabay & kuwo kale oo xilka laga qaaday

24 June 2016 (Puntlandes) Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh ayaa lagu sheegay qoraal uu kasoo saaray magaalada Baydhabo inuu xeer ku aqbaley xil ka qaadis uu Raysul Wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali sharmarke uu ku sameeyey laba xubnood oo ka tirsanaa Golaha Wasiirada.

226-3c6a

Xubnaha la sheegay in in xilalka laga qaaday ayaa kala ah Wasiirka Waxbarashada  iyo Tacliinta Sare Khadra Bashiir Cali iyo Wasiirkii Caafimaadka Xaawo Xasan Maxamed.

226-3e

Labadan wasiir ee la magacaabay ayaa waxay kala yihiin Dr. Cabdulqaadir Cabdi Xaashi oo loo magacaabay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, iyo Maxamed Xaaji Cabdinuur oo loo magacaabay Wasiirka Caafimaadka.

Labadan Wasiir ayaa mid ka mid ka oo loo magacaabay Wasiirka Caafimaadka  waxa uu yahay madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya walaalkiis marna madaxweyne kasoo noqday maamulkii 3da gobo Shariif Xasan hortiis.

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Dr. Cabdulqaadir Cabdi Xaashi ayaa isna loo magacaabay Wasiirul dawlahii hore ee Qorshaynta iyo xiriirka Caalamiga ah iminkana ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka DFS.

Puntlandes.com

About The Author