Akhriso Ajandaha shirka Madasha Hogaamiyayaasha Qaranka ee ka socda Baydhabo

24 June 2016 (Puntlandes) Shirka Madasha Hogaamiyayaasha Qaranka ee ka socda Baydhabo maalintii sadexaad isagoo furmay Arbacadii 22kii June 2016ka ayaa sida Ajemdaha ka muuqata waxaa la soo xirayaa Galabta ama caawa Fiidkii.

1

Warbaahinta Puntlandes ayaa waxay heshay Ajandaha shirka Madasha Hogaamiyayaasha Qaranka ee ka socda Baydhabo, iyadoo la wadaagaysa akhristayaasheeda.

Ajandaha shirka ayaa Qodobada ugu muhiimsan waxaa ka mida:

  • In la dhamystiro lana hawlgeliyo Guddiyadda Doorashada (waa lagu Heshiiyey-Shalay)
  • In la dhiso Guddiga Xalinta Khilaafaadka (maalinta labaad-Shalay)
  • In la Ansixiyo lana dhamaystiro liiska 135ta oday dhaqamadeen (Waa lagu Heshiiyey-Shalay)
  • In dib u eegid lagu sameeyo Dastuurka Federaalka Soomaaliya (maalinta sadexaad maanta)
  • In la dhamaystiro Guddiyada ka xaajoonaya maqaamka Gobolka Banaadir (maalinta sadexaad maanta)
  • In la Ansixiyo Dhismaha Ciidan Booliska Soomaaliyeed (maalinta sadexaad-maanta)

 

Akhriso Ajandaha shirka Madasha Hogaamiyayaasha Qaranka

226-3d3a

Puntlandes.com

About The Author