Madaxweynaha Equatorial Guinea oo wiilkiisa u magacaabay Madaxweyne Kuxigeenkiisa!!

24 June 2016 (Puntlandes) Madaxweynaha Equatorial Guinea Teodoro Obiang’ Nguema oo Xukunka kula wareegay Afagami Milatari sanadkii 1979kii, isla markaasna ah Madaxweynaha ugu xukunka dheer Qaaradda Afrika ayaa wiilkiisa oo lagu magacaabo Teodorin’ Obiang’ Mangue u magacaabay xilka Madaxweyne kuxigeenka dalkaasi.

Madaxweyne Teodoro Nguema oo 37 sano  xukumayay dalkaas ayaa doonaya inuu awooda dalkaasi si fudud ugu wareejiyo wiilkiisa, isagoo Afgambiyey adeerkii kadibna dil Toogasho ah ku fuliyey.

226-3e1

Waxaa lagu eedeeyay inuu akoonkiisa gaarka ah ku shubto lacago, isla markaana uu la goosto canshuuraha warshadaha.

Dhawaan ayey ahayd markii madaxweynaha Uganda uu Xaaskiisa u magacaabay wasiirka aadka u awooda badan ee Waxbashada iyo Isboortiga.

Madaxda qaar ka mid ah dalalka Afrika ayaa lagu eedeeyaa inay xukunkooda ku biiriyaan qoyskooda, iyadoo Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni oo ka mid ah madaxda ugu waqtiga dheer Afrika uu dhowaan xaaskiisa u magacaabay Wasiirka Waxbarashada dalkaas.

About The Author