BREAKING NEWS: Sadex xubnood oo Xildhibaanada Beelaha Harti ah oo loo soo wareejiyey Jubaland

25 June 2016 (Puntlandes) Warbaahinta Puntlandes ayaa XOG rasmi ah ku heshay in Sadex xubnood oo ka mida Xildhibaanada Beelaha Harti laga wareejiyey Puntland loona soo wareejiyey Jubaland.

226-3

Warbaahinta Puntlandes ayaa heshay Beelaha Hartiga ah oo ay kasoo kala jeedaan sadexda Xildhibaan ee Puntland laga wareejiyey waxayna kala yihiin sidatan:

  1. Xildhibaan Ciise Maxamud ah
  2. Xildhibaan Warsangali ah
  3. Xildhibaan dhulbahante ah

Sida uu dhigayey Heshiiskii Garowe ee 3dii April ku dhexmaray DFS iyo Puntland waxay ahayd in Beelaha Harti oo dhan lagu soo Xulo Xildhibaanadooda Puntland.

Lakiin waxaa iminka muuqata in dadaalo badan oo ay Beelaha Hartiga Jubaland ay sameeyey, iyagoo wafuud usoo diray Garoowe ay ugu dambayn ku guulaysteen in sadex Xildhibaan loo soo wareejiyo Kismaayo iyadoo go’aankan lagu gaaray magaalada Baydhabo.

Puntland ayaa markii hore lagu soo xuli lahaa 40 Xildhibaan, iyadoo iminka yeelanaysa 37 Xildhibaan halka Jubaland oo markii hore lahayd 39 Xildhibaan ay iminka yeelanayso 42 Xildhibaan.

Puntlandes.com

About The Author