Sawirro: Hay’ada Shaqalaha Rayidka ah oo qaaday imtixaamka Madaxqaybeedyada Xisabaadka (Finance Unit Heads)

25 June 2016 (Puntlandes) Hay’ada Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda Puntland (Puntland Civil Service Commission) oo qaaday imtixaankii MadaxqaybeedyadaXisaabadka (Finance Unit Heads)ee Hay’ada iyo Wasaaradaha qaybta ka ah mashruuca tayaynta iyo shaqo qorista Bangiga Aduunku maal galinayo, waxaana xiririnaya Mashruuca Guddiga isku dubaridka iyo xiriirinta(Project Coordination Unit-PCU) ee xafiiska Madaxweynaha.

Guddoomiyaha Hay’ada shaqaalaha rayidka Mudane Mustafe Siciid Shabac oo daah furay imtixaanka ayaa sheegay in ay Hay’adu ku hawlantahay dardargalinta nidaamka shaqo qorista, isagoo intaas raaciyeey in ay hore u soo qaadeen imtixaanaadka labo boos kuwaas oo kala ah, Madaxqaybeedka Shaqada iyo Shaqaaalaha (HR-Unit Heads) iyo Madaxqaybeedyada iibka(Procurement Unit Heads) maantana imtixaankoodii loo fadhiyo Madaxqaybeedka Xisaabadka(Finance Unit Heads) iyadoo imtixaanka ay u fariisteen 52 qof oo 14 dumar tahay.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in  dhawaan laguda galidoono qaadida imtixaanaadka boosaska dhiman oo kala ah Madaxqaybeedka Dabagalka iyo Qiimaynta (Monitoring and Evaluation Unit Heads), Madaxqaybeedka farsamadda kombuutarka (ICT Unit Heads), Madaxqaybeedka Qorshaynta iyo Siyaasadda( Planning and PolicyUnit Heads) iyo Agaasimayaal (Directors). Guddoomiyaha ayaa ugu danbayntii sheegay in imtixaanku yahay mid caddaalad ah islamarkaasna inta ugu saraysa ay u gudbidoonaan wareega labaad oo ah waraysiga shaqo(Job Interview).

Imtixaankani wuxuu qayb ka yahay balanqaadkii Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ee ahaa in dib u habayn lagu sameeyo shaqaalaha Dowladda (Civil Service Reform) isla markaasna shaqooyinka Dowladdu soo dhajiso dadku u sinaan doonaan lana qaadidoono imtixaan furan oo u dhaca si hufnaan iyo sinnaan ah.

Ugu dambayntii tartamayaashii imtixaanka ayaa loo qaybiyeey waraaqaha imtixaanka waxana si dhow u ilaalinayeey imtixaamka dad si gaar ah loogu soo xulay.

New Picture (2)New Picture (3)New Picture (4)New Picture (5)New Picture (6)New Picture (7)New Picture (8)New Picture (9)New Picture (10)New Picture (11)New Picture (12)New Picture (13)New PictureNew Puicture

About The Author